Mashruuc lagu daryeelayo caafimaadka xooloha oo Baki laga fuliyey

0
48

Banaamijkeena xanaanada xoolaha  iyo xubinta koobaad waxanu ku soo qaadanaynaa mashruuc lagu daryeelayo caafimaadka Xoolaha oo laga fuliyay  degmada Baki ee gobolka Awdal.

Dal kasta oo dunida ka mid ahi waxa uu muruq iyo maalba dul dhigaa waxa u ah Laf-dhabarta dhaqaalaha, tusaale xoolaha, beeraha, ganacsiga, shaqaalaha, iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Dalalka horumaray iyo kuwa soo koraya labaduba waxay qaadaan tallaabooyin istaraatiiji ah si ay u ilaaliyaan oo u horumariyaan qaybahaasi muhiimka u ah dhaqaalahooda. Daryeelkaasi wuxuu ku salaysan yahay dhowr qodob oo waaweyn.

Dalalka xoolaha ku tiirsan waxay sameeyaan: Kaydinta daaqa, Biya-dhigyo iyo ceelal la ballaadhiyo si loo ilaaliyo nafleyda iyo deegaanka ay ku tiirsan yihiin islamarkaana looga dheeraado in xooluhu ay ku dhacaan Biyo iyo Baad la,aan haddiiba ay timaad abaaro daba dheeraata oo khatar galin karta xoolaha.

Caafimaadka Xoolaha

Dhismaha maxjarro casri ah, samaynta xarumo baadhis caafimaad, shaybaadho iyo Ololeyaal tallaal oo joogto ah Si loo hubiyo in xooluhu caafimaad qabaan, loogana hortago cudurrada faafa ee saamayn kara ganacsiga caalamiga ah.

 

 

Tayada iyo Suuqgeynta Xoolaha

Si loo kordhiyo dhoofka iyo helitaanka suuqyo caalami ah: Waxaa la dejia shuruuc tayo oo caalami ah (international standards), Waxaa la sameeyaa maxjarro iyo xarumo kormeer, Waxaa la tababaraa ganacsatada iyo ururada xoolaha.

Arrintani waxay muhiim u tahay in xoolaha lagu iibiyo qiimo sare iyo in suuqyada dibadda lagu aamino.

Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ayaa  fulisay kormeerro iyo hawlgallo caafimaad kuwaasi oo ka dhacay gobollada Awdal iyo Saaxil oo lagu dardargelinayo tayaynta dhoofka xoolaha.

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Xoolaha ee Wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa kormeer shaqo ku tagay deegaannada Baki iyo Lughaya ee gobollada Awdal iyo Salal. Halkaas oo ay ka socdeen hawlgallo ballaadhan oo lagu dawaynayo laguna nafaqaynayo xoolaha ay abaartu sida weyn u saameysay ee ay ku tiirsan yihiin kumannaanka qoys ee reer miyiga ah.

Hawlgalkaas oo ay si wadajir ah u fulinayaan Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo hay’adda Mercy Corps, waxa ka faa’iideysanayay 816 qoys, halka in ka badan 50,000 neef oo xoolo ah loo samaynayey adeegyo caafimaad oo ay ka mid yihiin:

Daaweyn, Nafaqayn iyo baadhitaan caafimaad oo joogto ah

Dr. Cabdiraxmaan ayaa sheegay in gurmadka noocan ahi uu muhiim u yahay badbaadinta xoolaha, maadaama ay yihiin laf-dhabarta nolosha reer miyiga iyo tiirka ugu weyn ee dhaqaalaha dalka. Waxa uu carabka ku adkeeyay in ujeeddada hawlgalku yahay yareynta khasaaraha ka dhasha abaaraha soo noqnoqda iyo ilaalinta ilaha dhaqaale ee bulshada ku tiirsan xoolaha.