Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in qorshaha Maraykanku u dejiyey dhammaadka dagaalka Ruushka iyo Yukreeyn aanay ahayn “dalabkii ugu dambeeyay” ee Kyiv, kadib markii xulafada Yukreeyn ay muujiyeen walaac ku saabsan soo-jeedintaas.
Sabtidii hore, hoggaamiyeyaasha Yurub, Kanada iyo Jabaan ayaa sheegay in qorshuhu leeyahay qodobbo “asaasi u ah nabad waarta oo caddaalad ah, balse uu u baahan yahay shaqo dheeraad ah, iyagoo muujiyay walaac ku saabsan isbeddelka xudduudaha iyo xaddidaadda ciidamada Yukreeyn.
Axaddii shalay ayay, saraakiil amni oo ka socda Britain, Faransiiska, Jarmalka, Maraykanka iyo Yukreeyn ayaa kulmay Geneva, Switzerland.
Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa hore uga digay in Yukreeyn ay wajahaysyo mid ka mid ah waqtiyada ugu adag taariikhdeeda” maaddaama Maraykanku uu cadaadis saarayo inay aqbalaan qorshe loo arko inuu u janjeedho dhinaca Moscow.
Trump wuxuu siiyay Yukreeyn ilaa 27-ka November inay ku aqbasho qorshaha 28-qodob ee Maraykanku soo jeediyay, halka Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu sheegay inuu noqon karo asalka lagu gaadhi karo heshiis.
Markii la weydiiyay Sabtidii in qorshaha hadda u yaalla uu yahay dalabkiisa ugu dambeeya ee Yukreeyn, Trump wuxuu saxaafadda u sheegay isagoo ku sugan Aqalka Cad: “Maya, ma aha dalabkaygii ugu dambeeyay.”
Waxa uu intaa ku daray: “Si kastaba ha ahaatee dagaalka waa in la soo afjaraa, sidaas darteed waan ka shaqaynaynaa.”






















