“Wasaaradda Deegaanka iyo ActionAid oo Dardargelinaya Iskaashiga Cimilada iyo Deegaanka

0
51

Barnaamijka Deegaan-jire todobaadkan waxa aynu ku lafo-guri doonaa xoojinta xidhiidhka wasaaradda deegaanka iyo Isbadelka Cimilada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Hay’adda ActionAid ee dhinaca illaalinta deegaanka iyo Isbedelka Cimilada.

Kulan  diirada lagu saaray sidii looga qayb qaadan lahaa si wadajir ah, yaraynta Isbedelka Cimilada iyo illaalinta deegaanka ayaa waxa la isla qaatey in kaalin mug leh ay ka qaadan doonto Hay’adda ActionAid illaalinta deegaanka iyo isbedelka Cimilada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa wacyigelinta bulshada ee arrimaha deegaanka.

Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JSL, Mudane Cabdillaahi Jaamac Cismaan Geeljire, ayaa qaabbilay wafti heer sare ah oo uu hoggaaminayay wakiilka hay’adda ActionAid ee Somaliland. Kulanka oo ahaa mid muhiimad gaar ah u leh iskaashiga ka dhexeeya labada hay’adood, waxa wasiirka ku wehelinayay wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Dr. Maxamed Aw Daahir, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Mawliid Mustafe, iyo Lataliyaha Wasaaradda Cabdi Aadan.

Kulankan oo socday muddo saacado ah, ayaa lagu lafo-guray qorsheyaal dhawr ah oo la xidhiidha horumarinta deegaanka, yareynta saameynta isbeddelka cimilada, iyo sidii loo adkayn lahaa awoodda bulshada iyo hay’adaha dawladda ee u qaabilsan maareynta arrimaha deegaanka.

Intii uu kulanku socday, labada dhinac waxay si qoto dheer uga wada hadleen mas’uuliyadaha iyo caqabadaha ka jira gudaha Somaliland ee la xidhiidha deegaanka, iyadoo la isku raacay in waddanku u baahan yahay in la xoojiyo ilaalinta deegaanka, taasi oo la isla gartay baahida loo qabo ilaalinta dhulka kaymaha, duurjoogta iyo nidaamyada dabiiciga ah ay sii kordhayso, maadaama ay jiraan xaaladaha ururinta Geedaha iyo dhuxusha, Abaaraha soo noqnoqda iyo faafitaanka xaalufku, xaaladahan oo saameyn ballaadhan ku yeeshay deegaanka. Hay’adda ActionAid waxay ballan qaaday inay kaalin mug leh ka qaadan doonto mashaariic lagu xoojinayo ilaalinta deegaanka.

Sidoo kale waxa la isla qaatey in laga shaqeeyo Adkeysiga Isbeddelka Cimilada iyo sidii bulshooyinka nugul, gaar ahaan kuwa ku tiirsan xoolaha iyo beeraha, loo gaadhsiin lahaa,barnaamijyada adkaysiga cimilada. Looguna samayn lahaa tababaro la xidhiidha la-qabsiga isbeddelka cimilada iyo sidii Kaabayaasha degdegga ah ee looga jawaabo xaaladaha abaaraha iyo fatahaadaha.

Kulanka ayaa sidoo kale awooda lagu saaray dhisidda awoodaha Hay’adaha Dawladda, halkaasi oo wasaaradda deegaanku ay soo bandhigtay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo arrimaha, qorshaynta,tirakoobka deegaanka, nidaamyada dabagalka iyo qiimaynta mashaariicda iyo sidoo kale tababarrada shaqaalaha.

Hay’adda ActionAid waxay sheegtay inay diyaar u tahay maalgelinta iyo taageeridda dhismaha awoodahaasi iyo sidii loo hirgalin lahaa.

Kulanka waxa lagu soo afmeeray is-afgarad muhiim ah oo la xidhiidha qorshaha shanta sano ee Hay’adda ActionAid (2026–2030) kaasi oo la isku waafaqay in qorshaha cusub si rasmi ah loogu daro mashaariic la xidhiidha isbeddelka cimilada, sidoo kale in xoogga la saaro badbaadada deegaanka iyo maaraynta khataraha dabiiciga ah, dhinaca Kalena la horumariyo barnaamijyo wadajir ah oo ka jawaaba baahiyaha dadka ay saamayntu ugu badan tahay iyo in la kordhiyo is-wacyigelinta bulshada ee ku saabsan ilaalinta deegaanka.

Wasaaradda deegtaanka iyo Isbadelka Cimilada Somaliland iyo Hay’adda ActionAid ayaa isku raacay inay xoojiyaan iskaashi midho-dhal leh oo ujeeddadiisu tahay in dalku yeesho maamul-wanaag deegaan iyo horumar waara oo muuqda.

Gebo’gabadii kulanka ayaa kusoo dhammaaday jawi is-faham oo niyad-wanaag ah, iyadoo labada hay’adoodba muujiyeen in ay ka go’an tahay dardargelinta mashaariicda deegaanka, kor u qaadista iskaashiga caalamiga ah, sugidda badqabka kheyraadka dabiiciga ah iyo yareynta saameynta isbeddelka cimilada ee bulshada reer Somaliland.

Wasaaradda Deegaanka ayaa sheegtay in kulankani uu noqonayo mid lagu sii ballaadhinayo isku duubnida hay’adaha ka shaqeeya deegaanka, iyadoo la rajaynayo in mashaariicda mustaqbalka dhaw ay horseedi doonaan natiijooyin muuqda oo ay bulshadu ka faa’iidaysato isla markaana deegaanka iyo Isbadelka Cimilada taabaya.