Wasiirka Beeraha JSL oo Iftiimiyay Faa’iidadda Mashruuca Wajaale

0
47

Qore C/wahaab Daahir Xasan

Hargaysa (Dawan) Wasaaradda horumarinta beeraha Jamhuuriyadda Somalialnd ayaa sharaxaad ka bixisay Faa’iidada uu bulshada u leeyahay mashruuca wax soo saarka beeraha ee banka Wajaale kaas oo ay fulintiisa maalgalinayso Haya’adda Pharo Fondation. Mashruucaasi oo ay hirgalintiisa ku baxayso Maaliyad dhan 20 Million oo Doller.

Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Maxamuud Cige Yuusuf, wasiir ku xigeenka wasaaradda Beeraha Mukhtaar Xaaji Muxumed iyo Maayerka degmada Wajaale Mukhtaar Muuse Xasan ayaa shalay magaalada Hargaysa si wadajir ah ugu qabtay shir ay uga hadlayaan Faa’iidada uu u leeyahay mashruucani bulshada xoola dhaqatada ah ee deegaanka Wajaale, kuwaasi oo noqonaya ka faa’iidaystayaasha kowaad ee mashruucani.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland oo ka hadlay xiliga uu soo bilawday mashruucani ayaa sheegay ”Mashuuracani maaha mid iminka soo bilawday, waxa uu soo bilaabmay xiligii xukuumadeenii hore oo ay heshiis is-afgarad ay wada galeen Pharo Foundation oo ahayd 8/2/ 2024”.

Wasiir Maxamuud Cige Yuusuf ayaa tilmaamay in cunfiga dawladnimadu ay ku dhisan tahay marka xukuumaduhu is badalaan mid ba mida ay xukunka kala wareegto ay tahay in xukuumada talada dalka la wareegatay ay eegto heshiisyadii ay hore u gashay xukuumadii talada ay kala wareegtay iyo mashaariicdii ay ka tagtay iyaga oo qabyo ah.

Waxa kale oo u wasiirku sheegay in markii loo keenay mashruuca ee ay eegeen ay arkeen in mashruucu ku kiraysan yahay halkii Higter qiime 10 doller ah, Faa’iidada ka soo baxdaana ay tahay isla 10 doller taasi oo ay u arkeen in loo bahan yahay in qiimaha kor loo qaado.

Intaasi ka dib ayaa waxa uu wasiirku sheegay ”markaan eegnay ka dib waxaan isla soo gaadhnay Faa’iidadii iyo kiradiiba inaan kordhino, Faa’iidadii waxaanu ka dhignay halkii ay 10 ka ahayd boqol kiiba shan iyo toban 100/15%, halkii kiradiina waxa aanu ka dhignay 100/15% (boqol kiiba shan iyo Toban).

Wasiirka beeraha Somaliland ayaa ku dooday in xukuumada talada haysaa ay tahay xukuumad horumrineed taasi oo ka shaqaynaysa sidii dalka u gaadhsiiin la hayd horumar la taaban karo, waxaana uu mashuurca banka Wajaale ku tilmaamay inuu yahay mashruuc ay nasiib u heleen qoraalka ALLE na ugu yimid gobolka Gebilay.

”1.2 million (Hal milyan iyo laba boqol oo kun oo doolar) ayaa mashuurca lagu fulinayaa intaa aan la qabaninba oo bulshada loo samaynayaa, laba dhaam ayaa loo samaynayaa, MCH iyo Ambalaas ayaa loo samaynayaa, dugsigii waxbarashada ayaa caruurta loo dhisayaa oo uu ku jiro nusasaca hoodii” sidaasi waxa yidhi wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha.

Geesta kale Maayer ka wajaale Mushtaar Aw Muuse Cawil oo halkaasi ka hadlay ayaa ka hadlay faa’iidada ay ka helayaan bulshada ku xeeran banka wajaale mashuuca ay banka wajaale ka hirgalinayso shirkada Pharo Foundation.

Waxa uu sheegay in talogaka mashruucani yahay maadaama uu deeganku yahay xoolo dhaqato beeralay in xooaha looga faa’iidayn doono manfaca ka soo baxa mashruuca oo noqon doona calafkii xoolaha, kaasi oo qaab horumarineed looga faa’idayn doono mustaqbalka hadba wixii suuragal ah.

Maayerka ayaa waxa uu intaasi ku daray in faa’iidooyinka kale ee ay deegaanku heli doonaan ay ka mid tahay ”cagafyada qodi-doona banka tog-wajaale in deegaanka loo fasixi doono iyaga oo kaliya ku shuban doona shidaalka taasi oo wax joogta ah noqon doonta”ayuu yidhi maayer Mukhtaar Aw Muuse Cawil.