“Somaliland oo ah Saaxiib Istaraatiiji ah ayaa Maraykanka u soo Bandhigaysa Kheyraad iyo Xuduuddo Muhiima”

0
64

“Madaxweynaha JSL ayaa ku hawllan xoojinta iskaashiga iyo xidhiidhiida caalamiga ah”

“Somaliland waa goob istaraatiiji ah oo muhiim u ah danaha Maraykanka iyo Geeska Afrika” Semafor

Hargeysa (Dawan) Warbaahinta caalamiga ah ee Semafor ayaa warbixin ay dabaacday ku sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay qorsheyneyso inay si qoto-dheer uga faa’iideysato aqoonsiga caalamiga ah ee ay ka heshay dawladda Israa’iil, isla markaana ay ku hawlan tahay dedaallo diblumaasiyadeed oo ay ku soo jiidanayso Washington iyo caasimadaha kale ee waddamada waaweyn ee dunida.

Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay in Jamhuuriyadda Somaliland ay caalamka u soo bandhigeyso kalsooni buuxda oo muujinaysa in ay tahay saaxiib istiraatiiji ah iyo lammaane lagu kalsoonaan karo, isla markaana leh kheyraad badan oo dabiici ah, dedaalladaasi oo ay Somaliland si gaar ah diirrada ugu saarayso soo jiidasgada Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump.

Warbixintu waxa kale oo ay sheegtay in Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo xukuumaddiisu ay ka shaqaynayaan sidii Somaliland u heli lahayd saaxiibo badan oo caalami ah iyo xoojinta xidhiidhada diblumaasiyadeed. Sidoo kale, warbixintu waxay xustay in Somaliland ay sii adkaynayso xidhiidhka ay la leedahay Israa’iil, iyadoo qorshuhu yahay furitaanka safaarado iyo is-weydaarsiga wakiillo ganacsi.

Sidoo kale, Semafor waxay warbixinteeda ku sheegtay in siyaasiyiin miisaan culus ku leh Washington ay si weyn u taageeraan qadiyadda madax-bannaanida Somaliland, kuwaas oo u arka in Somaliland ay tahay xulafo istiraatiijiga ah ee lagu kalsoonaan yahay, isla markaana muhiim u ah danaha qaran iyo amniga Maraykanka, maadaama Somaliland ay ku taallo goob juquraafi ah oo muhiimad weyn u leh Geeska Afrika.

Warbixintu waxay sidoo kale xustay in Somaliland ay leedahay deked istiraatiiji ah oo muhiimad weyn u leh isu socodka maraakiibta ganacsiga iyo dhaqaalaha adduunka. Waxaana lagu xusay in “Imaaraadka Carabta ayaa ah maalgeliyaha ugu weyn ee Somaliland, iyadoo loo marayo shirkadda dekeddaha ee DP World, taas oo ku maalgelisay dekedda Berbera in ka badan $400 milyan oo dollar si loo ballaadhiyo, loona casriyeeyo xarun lagu maareeyo maraakiibta xamuulka ee ugu waaweyn adduunka, iyadoo sidoo kale laga dhisay aagga wax-soo-saar iyo ganacsiga oo u dhow dekedda Berbera.”