“Waa Wakhtigii Dalalka Reer Galbeedku ay si degdeg ah u aqoonsan lahaayeen madaxbanaanida Somaliland”
“Aqoonsi la’aanta Somaliland waa khalad siyaasadeed, waana in dawladaha Galbeedku saxaan khaladkaa taariikhiga ah”
Qore: Axmed M. Saleebaan
Hargeysa (Dawan) Warbaahinta caalamiga ah ee Rebel News ayaa si rasmi ah u shaacisay mowqif cad oo ay ku taageerayso aqoonsiga madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo ku baaqday in dawladaha reer galbeedku ay si degdeg ah u aqoonsadaan qadiyadda madax-bannaanida qarannimada Somaliland.
Warbixinta Rebel News waxay tilmaantay in Jamhuuriyadda Somaliland ay ka mid tahay dawladaha naadirka ah ee ugu guulaha badan Geeska Afrika iyo dunida. Waxa kale oo ay sheegtay in Somaliland ay muddo ka badan 30 sanno ay si madax-bannaan u maamulanaysay dhulkeeda, una ilaalinaysay amnigeeda, isla markaana ay dhisatay nidaam dimuqraadi ah, nabad iyo xasillooni buuxda.
Warbixintu waxay si adag u dhaliishay qaabka waddamada beesha caalamku ay u wajahaan aqoonsiga dawladaha, iyadoo xustay in aqoonsi la siiyo dalal fashilmay iyo hay’ado ay taageeraan kooxo xagjir ah, halka Somaliland oo leh doorashooyin xor iyo xalaal ah, hay’ado dawladnimo oo shaqeeya, iyo nabad ay weli ka maqantahay liiska dalalka Qaramada Midoobay.
Rebel News waxay sheegtay in arrinta Somaliland aanay ahayn mid muran ku jirta marka la eego xaqiiqooyinka dhabta ah ee ka jira dhulka, isla markaana ay tahay khalad siyaasadeed iyo mid anshax in dal sidan u shaqeeya loo diido aqoonsi, halka kuwa fashilmayna la aqoonsanayo.
Warbixinta ayaa sidoo kale baaq caalami ah u dirtay waddamada adduunka, iyada oo ugu yeedhayso dawladaha reer galbeedka in ay saxaan khaladka taariikhiga ah ee ka jira aqoonsiga, isla markaana ay si degdeg ah u aqoonsadaan Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kalena ay ka dhabeeyaan mabaadi’da ay ku faanaan ee ah dimuqraadiyad, xasilloonida, iyo is-maamul ku dhisan rabitaanka shacabka.
Ugu dambayn, warbaahinta Rebel News waxay hoosta ka xarriiqday in aqoonsiga Somaliland uu noqon doono tallaabo lagu xaqiijinayo cadaaladda caalami ah, isla markaana uu dhiirrigelin doono horumarka dimuquraadiyadda, nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo guud ahaan caalamka intiisa kale ba.






















