Maalin ayuu ninkii Juxaa la odhan jiray dameer uu lahaa keenay saylada, si uu u iibiyo. Markii uu ninkii u horeeyay isku dayay inuu ka iibsado, Dameerka ayuu isku eegay afkiisa iyo sanka dameerka si uu u hubiyo inay jiraan nabaro ku dhacay iyo xanuun in loo iibinayo.
Dameerkii ayaa ninkii qaniini gaadhay. Ninkii inta uu naxay ayuu dib u booday si aan dameerku u qaniinin. Dameerkii ayaa haddana markii uu dib u booday harraati ku dhufan gaadhay!
Ninkii inta uu Juxaa aad u eegay ayuu ku yidhi: ” Waaryaa Juxo, qofna dameerkan kaa iibsan maayo, waayo wuu dhib badan yahay. Haddii aad hormar is-tidhaa waa uu ku qaniinayaa, haddii aad garab mar is-tidhaahdona wuu ku harraatiyayaa.
Halkii ay ahayd in Juxana amaanta Dameerkiisa bilaabo si looga iibsado ayuu ninkii ku yidhi: “ Waan ogaaye waxaan doonayay in dadkuna ila ogaado dhibkiisa Dameerkan




















