Agaasimaha Guud ee Ciyaaraha oo Kormaaray Garoonka Xaaji Daahir Stadium ee Boorama

0
241

Qore Khadar M. Dhako

Boorama (Dawan) Cabdilaahi Maxamed Maxamuud Jiidhe, oo uu weheliyo Guddoomiyaha gobolka Awdal Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa soo kormaaray Garoonka kubbada cagta Xaaji Daahir Stadium ee Magaalada Boorama oo dib dhis iyo casriyayn lagu samaynayo.

Agaasimaha guud ee Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cabdilaahi Maxamed Maxamuud Jiidhe ayaa tilmaamay in Madaxweynaha Somaliland ka aqbalay sidii dib dhis loogu samayn lahaa garoonka Xaaji Daahir Stadium.Waxaanu yidhi “Markii na, loo soo gudbiyay cabasho qotodheer oo ku qodonta garoonka Xaaji Daahir Stadium.madaama cida uga masuulka qaranka ay tahay Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha haddaanu nahay, waxaanu ku dedaalnay wixii karaankayaga ah iyada oo madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi si sharafleh ayuu nooga aqbalay in degdeg loo dhiso Garoonka Xaaji Daahir Stadium”.

Dhinaca kale Guddoomiyaha gobalka Awdal Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa sheegay marka dib u habayn lagu sameeyo garoonka Xaaji Daahir Stadium in habeen iyo maalinba lagu ciyaari doono.”Garoonkan afar sanadood ayuu xidhnaa oo la tabayay, waxaanan rejaynayaa garoonku,marka uu hirgalo in habeen iyo maalinba lagu ciyaari doono.waxaana qorshaha noogu jira in garoomo kale la sameeyo.garoomada kalena la casriyeeyo.waxaana dhalinyarada looga baahanyahay in ay illaaliyaan wixii wanaag magaalada usoo kodhinaya”.