Berbera (Dawan) Warbaahinta caalamiga ah ee Utilities ayaa shaacisay in magaalada istiraatiijiga ah ee magaalada Berbera ay ay noqotay xarunta Tamarta iyo Saadka ee Geeska Afrikam, iyadoo xukuumadda Somaliland ay xooga saareyso kor u qaadida ammaanka tamarta iyo hoos u dhigista qiiqa kaarboonka. Warbixintu waxay xustay in magaalada laga hirgeliyay warshad solar ah oo awoodeedu tahay 5-megawatt, taasoo qeyb ka ah qorshaha xukuumada Somaliland ee ku saabsan horumarinta tamarta nadiifka ah iyo yareynta ku-tiirsanaanta korontada diesel-ka.
Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in Dawlada Imaaraadka Carabta (UAE) ay si weyn u xoojinayso maalgelinta Somaliland, iyadoo Shirkadda Global South Utilities ee fadhigeedu yahay Abu Dhabi ay si rasmi ah uga hirgelisay magaalada Berbera warshadda korontada ee solar photovoltaic oo leh awood aad u ballaadhan, kaas oo qayb ka ah mashaariicda iyo qorshaha Somaliland ee ka guurista ku-tiirsanaanta korontada shidaalka laga dhaliyo iyo u guurista tamarta la cusboonaysiin karo.
Warbixinta waxa kale oo ay tilmaantay in mashruucan horumarineed uu ka mid ah qorshaha cusub ee Green Berbera Vision, kaas oo ah mashruuc ballaadhan oo diiradda saaraya in nidaamka korontada ee dekedda Berbera laga dhigo mid ku shaqeeya tamarta nadiifta ah, iyadoo sidoo kale la taageerayo kaydinta batteriyada si loo xoojiyo awoodda iyo joogteynta tamar nadiif ah oo la isku halayn karo.
Warbixintu waxay sidoo kale tilmaamtay in warshadda qoraxda ee laga hirgeliyay Berbera ay soo saari doonto qiyaastii 10,000 megawatt-saac sanadkiiba, taasoo dabooli karta baahida koronto ee ku dhowaad 28,000 guri sanadkii. Isla markaana Mashruucan oo ah mid aad u ballaadhan uu Somaliland ka caawin doona hoos u dhigista qiiqa kaarboonka qiyaastii 6,890 tan sanadkii, sidoo kalena uu yareyn doona kharashka shidaalka, isaga oo dhinaca kalana kordhin doona ammaanka tamarta.
Warbixintu waxa kale oo ay xustay in Jamhuuriyadda Somaliland ay ku tallaabsatay horumar baaxad leh, iyada oo dawladda UAE ay iyana kordhisay maalgelinteeda Somaliland. Sidoo kale warbixinta oo soo xiganaysa Camille Lons, oo ah khabiir ka tirsan European Council on Foreign Relations, ayaa sheegtay in mashruucani yahay Maalgelin ballaadhan oo ka timid UAE. Waxaana lagu yidhi “Maaha mashruuca solar-ka oo keliya; UAE waxay sidoo kale maalgelisay horumarinta kaabayaasha iyo saadka. Sanadkii 2021, DP World oo fadhigeedu yahay Dubai ayaa ku maalgelisay $442 milyan casriyaynta dekedda Berbera iyo aagga ganacsiga xorta ah ee ku xeeran dekedda Berbera. Isla sanadkii, Abu Dhabi Fund for Development ayaa maalgelisay warshad kale oo solar ah oo awooddeedu ahayd 7-megawatt
Warbixinta ayaa intaasi raacisay “Warshadda cusub ee 5MW waxay sii xoojineysaa sawirka magaalada Berbera oo ay ku taallo dekedda Istaraatiijiga ah oo muddooyinkii u dambaysay ku soo baxaysay sidii xarun tamar iyo saad oo cusub, iyadoo muhiimad gaar ah u leh marinka-biyaha Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.”




















