FIFA Oo Ansixisay Isbeddel Taariikhi Ah – 48 Kooxood Oo Ka Qaybgalaya Koobka Adduunka Naadiyada 2029!

0
193

Wargeyska Ingiriiska ee The Guardian ayaa warbixintiisa ku shaaciyay in Xidhiidhka Caalamiga ah ee Kubadda Cagta FIFA uu ansixiyay soo jeedin cusub oo lagu ballaarinayo Koobka Adduunka ee Naadiyada sanadka 2029.

Sida lagu sheegay warbixinta, tirada kooxaha ka qaybgalaya ayaa lagu kordhin doonaa 32 kooxood ilaa 48 kooxood, taasoo muujinaysa isbeddel ku wajahan ballaarinta ka qaybgalka iyo kordhinta faa’iidooyinka suuq-geynta iyo dhinaca farsamada ee tartanka.

Isbeddelkan wuxuu imanayaa iyadoo cadaadis ka imanayo qaar ka mid ah kooxaha waaweyn ee Yurub ee ka maqnaa tartanka sanadkii hore, oo ay ku jiraan Barcelona, Manchester United, Arsenal, Liverpool, iyo AC Milan, kuwaas oo dalbaday fursado matalaad oo ballaaran.

Waxaa xusid mudan in qaabka cusub ee tartanka markii ugu horreysay la adeegsaday xagaagii hore, waxaana ku guuleystay Chelsea oo koobka qaaday kadib markii ay finalka kaga adkaatay Paris Saint-Germain.