Arsenal Oo Xasuuqday Tottenham, Siina Dheereysatay Hoggaanka Horyaalka

0
192

gaadhay kooxda ay xafiiltamaan ee Tottenham Hotspur oo hoygeeda marti loogu ahaa, kadib markii ay ku garaacday 4-1 kulankii wareegga 27-aad ee horyaalka Premier League ee Ingiriiska.

Arsenal ayaa hoggaanka ciyaarta qabatay daqiiqaddii 32-aad kadib gool uu dhaliyay Eberechi Eze, kaas oo caawin ka helay Saka, halka Tottenham ay isla markiiba barbaro keentay daqiiqaddii 34-aad gool uu dhaliyay Randal Kolo Muani.

Daqiiqaddii 47-aad, Viktor Gyökeres ayaa dhaliyay goolka labaad kaddib darbo cajiib ah oo uu ka tuuray bannaanka xerada ganaaxa, halka Eberechi Eze uu dhaliyay goolkii saddexaad ee Gunners daqiiqaddii 61-aad.

Daqiiqaddii 90+4, Viktor Gyökeres ayaa dhaliyay goolka afaraad ee Arsenal.

Arsenal ayaa sidaas ku gaartay 61 dhibcood, iyagoo hoggaanka guud ee kala sarreynta ku sii nagaaday, una jirsaday 5 dhibcood Man City, halka Tottenham ay weli joogto 29 dhibcood,iyadoo ku jirto kaalinta 16-aad.