“Saamaynta Siyaasaddeed iyo Dhaqaale ee Fursaddaha ay Somaliland u Soo Bandhigtay Dunida” AfriNews24

0
204

“Somalialdn oo Maraynkanka u soo Bandhigtay Aqoonsi Caalami ah iyo ka faa’iiddaysiga Macdanaheeda Qaaliga ah iyo”

 Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan) Warbaahinta caalamiga ah ee AfriNews 24 ayaa warbixin ay daabacday waxay si qoto-dheer ugu soo bandhigtay dedaallada Jamhuuriyadda Somaliland iyo isbeddelka istiraatiijiyadeed ee siyaasaddeeda arrimaha dibada ee la xidhiidha aqoonsi caalamiga ah, warbixintu waxay xustay in Somaliland ay u soo bandhigtay dawladda Maraykanka iskaashi ku qotoma maalgashiga macdanta qaaliga ah iyo bixinta saldhigyo ciidan oo laga ilaaliyo amniga Badda Cas.

Waxa kale oo ay warbixintu tilmaantay in isbedeladda istaraatiijiga ah ee Somaliland oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ay Somaliland si weyn u muujinayso in ay tahay saaxiib xasilloon oo ka duwan waddamada kael ee Geeska Afrika, iyadoo ka faa’iidaysanaysa loolanka quwadaha adduunka iyo baahida loo qabo marinno ganacsi oo ammaan ah. Warbixintu waxa kale oo ay daaha ka qaadayaa saameynta siyaasadeed, dhaqaale, iyo amni ee ay soo jeedinta Somaliland ku yeelan karto xidhiidhada caalamiga ah ee Geeska Afrika.

Warbixintu sidoo kale waxay falanqayn ballaadhan ku samaysay baaqii istaraatiijiga ahaa ee Madaxweyne Cirro u soo bandhigay Mareykanka, kaas oo ku salaysan in Mareykanku sameeyo maalgashi dhaqaale oo qoto dheer iyo suurtogalnimada aqoonsi diblomaasiyadeed oo la siiyo Somaliland. Iyadoo loolanka juquraafiyeed ee Geeska Afrika oo si weyn u sii xoogaysanaya ay Somaliland ay dunida u soo bandhigayso in ay tahay lammaane xasilloon oo istiraatiiji ah, kaas oo ku yaalla mid ka mid ah marin-biyoodyada ugu muhiimsan adduunka.

Sidoo kale warbixintu waxay muujisay in martiqaadka istaraatiijiga ah ee Somaliland uu fursad ballaadhan u yahay Mareykanka, kaas oo si weyn u xoojinaya saameynta siyaasadeed, dhaqaale iyo amni ee Maraykanka iyo joogitaankiisa Geeska Afrika, halka Somaliland ay tallaabadan uga faa’iidaysanayso dedaaladeeda aqoonsi raadinta caalami ah iyo maalgashi qoto dheer.

Waxa kale oo ay warbixintu tilmaantay tallaabadan cusub ee ay qaaday xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay mid dhalin karta isbeddel siyaasadeed oo gobolka ah, kaas oo si gaar ah u saamaynaya xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Mareykanka, fursadaha maalgash, doodda aqoonsiga iyo sharciga caalamiga ah, waxaana lagu yidhi “Laga soo bilaabo xeebaha Gacanka Cadmeed ilaa fadhiyada siyaasadda ee Washington, Somaliland waxay samaynaysaa mid ka mid ah bandhigyadii diblomaasiyadeed ee ugu dhiiranaa taariikhdeeda. Somaliland maaha dhul hadda ku tiirsan gargaarka; waxay soo bandhigaysaa sheeko ka duwan taas: Somaliland waxay caalamka u muujinaysaa in tahay dawlad xasilloon oo ah lammaane u dhaw dawladaha reer-galbeedka, dimuqraadi ah, taasoo ku taal mid ka mid ah meelaha ugu istiraatiijisan adduunka.”

“Farriinteeda ku socota Mareykanka waa cad tahay: Tani maahan codsi kaalmo, ee waa soo jeedin ku aaddan iskaashi, aqoonsi, iyo faa’iido istiraatiiji ah oo la wadaagayo. Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi isaga oo ka hadlayay ka dib kulamo heer sare ah oo ka dhacay Shirka Dawladaha Adduunka (World Government Summit), wuxuu ku sifeeyay Somaliland inay tahay hanti juquraafiyeed. Dalku wuxuu xukumaa qiyaastii 460 mayl oo xeeb ah oo ku teedsan Gacanka Cadmeed, isagoo ku dhow marinka Bab el-Mandeb oo ah marin-biyoodka ugu mashquulka badan adduunka, kaas oo isku xidha Badweynta Hindiya, Badda Cas, iyo Kanaalka Suweys,” ayaa lagu yidhi warbixinta, waxaanay intaasi raacisay “Qayb weyn oo ka mid ah ganacsiga adduunka ayaa dhex mara marinkan, taas oo muhiim u ah ganacsiga Yurub iyo Aasiya, iyo saadka tamarta adduunka. Iyada oo ay jiraan khataro amni oo dhinaca badda ah gobolka ah, Somaliland waxay soo bandhigaysaa in xeebteedu ay tahay mid ammaan ah, iyadoo siinaysa Washington meel lagu kalsoonaan karo oo ku taal gobol kacsan.”

AfriNews 24 waxa kale oo ay tilmaantay in ka sokow amniga ay Somaliland qadiyadeedda ku lammaanaysay istiraatiijiyad dhaqaale. Iyada oo mas’uuliyiinta Somaliland

AfriNews 24 waxay tilmaantay in, ka sokow amniga, ay Jamhuuriyadda Somaliland qadiyaddeeda ku lammaanaysay istiraatiijiyad dhaqaale. “Mas’uuliyiinta Somaliland waxay tilmaamayaan in dalku leeyahay kayd balkaahan oo khayraad dabiici ah oo aan weli la isticmaalin oo isugu jira macadanta dhifka ah (Rare Earth Minerals) sida lithium, saliid, gaas, iyo khayraadka badda. Iyadoo Mareykanku uu raadinayo inuu kala duwo silsiladaha saadka si uu uga fogaado saamaynta Shiinaha, Somaliland waxay isu soo bandhigaysaa inay tahay saaxiib beddel u noqon kara danaha Maraykanka.”

Warbixinta AfriNews 24 ayaa intaa raacisay in xiisaha siyaasadeed ee qaddiyadda Somaliland ay kor u kacday markii Israa’iil ay si rasmi ah u aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland sannadkii 2025, taas oo ay xigtay booqasho diblomaasiyadeed oo uu ku yimid Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil. “Xiisaha qadiyadda Somaliland wuxuu u muuqadaa mid kor u kacday markii Israa’iil ay si rasmi ah u aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland sannadkii 2025-kii, taasna waxaa xigay booqasho diblomaasiyadeed oo uu ku yimid Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil. Dhanka kale, Imaaraadka Carabta ayaa maalgashi weyn ku sameeyay dekedda Berbera, isagoo u beddelay dedekadda Berbera xarun saad oo muhiim ah. Taageerada aqoonsiga ayaa sidoo kale ka soo muuqatay Washington, iyadoo xildhibaanno ay ka mid yihiin Ted Cruz iyo Scott Perry ay ku doodeen in Somaliland ay buuxisay shuruudihii dawladnimo isla markaaana ay bixiso qiime istiraatiiji ah oo cad.”