Somaliland oo laga Oogay Salaad Roob Doon ah

0
155

Qore: Faysal Xiis Afgaab

Hargaysa (Dawan):- Guud ahaan dalka Somaliland ayaa laga oogay salad roob doonta oo RABBI, lagaga baryay in uu abaarta ka soo jebiyo. Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddida Heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa shalay Salaadda Roob-doonta shacabka kula tukaday Garoonka Weyn ee Kubadda Cagta ee Hargaysa.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland waxa wehelinayey Wasiirro, Agaasimayaal Guud iyo Masuuliyiin sare oo ka tirsan Xukuumadda, ayaa bulshada Hargeysa qaybo ka mid ah oo salaadda roob doonta ah ku oogayay garoonka kubadda Cagta ee Hargeysa Stadeum kala qayb galay tukashada salaadda roob doonta ah. Sidoo kale masaajidada iyo garoomada waawayn ee caasimadda Hargeysa, ayaa lagu tukaday oo lagu oogay salaadda roob doonta ah. Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta JSL oo ugu horayn shacabka la hadlay ayaa ka codsaday in ay is cafiyaan isla markaana Ilaahay loo toobad keeno.

Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in Alle SWT loo noqdo, gaar ahaan Xilliyada Abaarta isla markaana baryadiisa la badiyo, isaga oo bulshada ku boorriyey toobad, samir iyo isku duubni.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xusay in Xukuumad ahaan ay dadaal joogto ah ku bixinayaan Gurmadka Abaaraha, isla markaana ay ka go’an tahay in la gaadhsiiyo bulshada ay dhibaatadu saamaysay biyo iyo baadba. Waxaanu shacabka ugu baaqay in ay xoojiyaan midnimada iyo isu gurmashada, maadaama dhibaatadu wada taabanayso bulshada oo dhan, isaga oo Alle ka baryey in uu raxmaddiisa ku gallado ummadda, roob khayr qabana ku mannaysto dalka iyo dadkaba.

Geesta kale guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa laga oogay salaadda roob doonta ah, iyadoo masuuliyiinta heer gobol iyo degmo ee dalku ay kala qayn galeen bulsho waynta Somaliland salaadda roontoonta ah ee shalay dalka laga oogay. Culimada dalka ayaa bulshada ugu baaqday in si dhab ah la isu wada saamaxo oo lala yimaaddo toobad dhab ah isla markaana la is taakuleeyo oo la isu naxariisto. Waxaa kale oo culimadu ku baaqday in la joogteeyo alle bariga oo aan roob doonta iyo RABBI bariga laga dhigin maalin keliya balse markasta loo baahan yahay in alle la baryo.