Waxa Aannu Diyaar u Nahay in Aannu Maraykanka Fursad u Siino Saldhig Milatari iyo Macdanta Qaaliga ah”

0
238

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay diyaar u tahay inay Maraykanka la yeelato iskaashi istaraatiiji ah oo ku dhisan wax is-dhaafsi iyo dano wadaag, kuwaas oo ay kamid yihiin in Somaliland ay Maraykanka siiso fursado istaraatiiji ah oo u horseedi kara saldhig Milateri iyo ka faa’iidaysiga macdanteeda qaaliga ah ee ay Somaliland hodanka ku tahay.

Wasiirka Madaxtooyada oo waraysi gaar ah siiyey warbaahinta caalamiga ah ee Wakaalada Wararka AFP ayaa sidoo kale tilmaamay in Hargeysa ay rumaysan tahay in wada-hadallo toos ah oo lala yeesho Washington ay horseedi karaan iskaashi ballaadhan oo wax ka taraya xoojinta amniga gobolka iyo horumarinta dhaqaalaha, isaga oo xusay in Somaliland ay ku taallo marin istaraatiiji ah oo ku teedsan Gacanka Cadmeed, Badda Cas iyo marin-biyoodka Bab al-Mandab oo ah marin mashquul badan oo ay maraan in ka badan 12% dhaqaalaha adduunku.

Mudane Khadar Xuseen Cabdi, Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aannu doonaynaa in aannu Maraykanka si gaar ah fursad ugu siino macdanaha qaaliga ah ee Somaliland. Waxa kaloo aannu diyaar u nahay in aannu Maraykanka saldhig millatari siino, iyadoo aanu rumaysanahay in aanu wax ku heshiin karno dawladda Maraykanka.”

Warbixintu waxa kale oo ay xustay in mas’uuliyiinta Somaliland ay sidoo kale adduunka u soo bandhigayaan iskaashi caalami ah oo si wadajir ah looga faa’iidaysan karo khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland oo ah dhul hodan ku ah macdanaha qaaliga ah ee lithium, coltan iyo macdano kale oo muhiim u ah warshadaha tamarta iyo tiknoolajiyadda. taas oo ah tallaabo muhiim ah oo ku soo beegmaysa kadib markii Israel ay bishii Diseembar 2025 si rasmi ah u aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland. Iyada oo Madaxweynaha Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, uu muujiyay rajada ah in Donald Trump uu mustaqbalka aqoonsan doono Somaliland, taas oo loo arko tallaabo wax ka beddeli karta isu-dheellitirka diblomaasiyadeed ee Geeska Afrika.