Isku-Dirka (Fitnada & Buunbuuninta)
Islaamku wuxuu si weyn u adkeeyay in la ilaaliyo carabka, sababta oo ah hadalka xun ama marin-habaabintu waxa ay sababi kartaa dhibaato ka weyn tan hubka.
Nabiga (scw) waxa uu xadiis ku yidhi:
“ Qofkii ii dammaanad qaada waxa u dhexeeya labadiisa daan (carabkiisa) iyo waxa u dhexeeya labadiisa lugood (cawradiisa), aniguna waxaan u dammaanad qaadayaa Jannada.” (Xadiis saxeex ah)
Macnaha xadiithku waa:
Qofkii ilaaliya carabkiisa (hadalka xun) iyo cawradiisa (sinada), Nabigu (scw) wuxu u ballanqaaday Jannada.
Islaamku waxa uu si cad u reebay:
- Qofka dadka isku dira
- Kuwa warkooda ku dhisa been iyo buunbuunin
- Kuwa fidmo abuura
- Kuwa khal-khal iyo nacayb dhex geliya dadka.
Rasuulka Allah (scw) waxa uu xadiis ku yidhi: ” Dira – daraluhu ma gelayo Jannada.” (Xadiith saxiix ah)






















