Dariiqada Shandad Madhan Ka Dhigta Mid Buuxda!
Buuga ninka ugu taajirsan Babaliyoon “The richest man in Babylon” waxa uu ka hadlaya hantida iyo sida loo barto xirfadaha kaydinta iyo sida lagu noqdo maalqabeen qaab taxane ah, fudud oo aan caajis ahayn
Buuggani waxa uu ka hadlayaa ninkii Baabuloon ugu taajirsanaa ee la odhan jiray Arkadkii weyna, iyo sida uu ku noqday ninka ugu maalqabeensan Babaliyoon.
Nuqulada buuggan laga iibiyay ayaa gaadhaya in ka badan laba milyan oo buug, dadka qaarkood ayaa laga yaabaa in ay yidhaahdaan, “Muxu buuggani soo kordhin karaa?”, waa dhacdooy lix kun oo sanno ka hor ka dhacay.
Laakiin wax badan ayuu soo kordhinayaa, waayo isla xeerarkii dunida lagu maamuli jiray maaliyadda, waa isla sharciyadii lagu maamuli jiray kun sano ka hor, ee haddana manta lagu maamulo.
Ninka ugu taajirsan Baabaliyoon waa sheeko kooban oo la ururiyey, mid kastaa waxa ay ka kooban tahay tilmaamo iyo tallaabooyin wax ku ool ah si aad u xakamayso kharashyadaada, oo aad u kordhiso dakhligaaga si ay kuugu hoggaamiso maalqabeenimo.
Waxa kale oo ay ku hagaysaa sida aad meel eber ah uga dhisan lahayd maalka.
“Qofku wuxuu u horumari doonaa marka uu dadaalo.” Waxaana uu dejiyay toddoba dariiqo oo Shandaada madhan uga dhigi karto mid buuxda.
Qodobka 1: Bilowga buuxinta shandaada madhan . ” Waa in aad 10% kaydiso dakhliga ku soo galla, inta kale ku bixi kharashaadka.”
Qodobka 2: xakamee kharashaadkaaga.
“Deji miisaaniyad si aad u xakameyso kharashaadkaaga si aad ugu bixiso waxyaabaha lagama maarmaanka ah, si aad ugu raaxaysato nolosha, iyo inaad ku qanciso rabitaanka lagama maarmaanka ah, iyo adigoon kharash ku bixnayn wixii ka badan sagaal meelood meel waxa aad kasbato ama dakhliga ku soo xerooda.”
Qodobka 3: Ka shaqee si aad u kobciso hantidaada.
“Ka faa’iidayso dhammaan lacagtaada si aad u soo saarto faa’iido kaa caawin doonta inaad abuurto ilo dhaqaale oo wanaagsan, kaas oo ah wabi lacag ah oo si joogto ah ugu qulqulaya dakhligaaga.”
Qodobka 4: ka ilaali hantidaada dayaca.
“Ka ilaali hantidaada in ay lunto adiga oo maalgashanaya kaliya marka aad dammaanad qaaddo badbaadada hantidaada ” Talo ka raadso dadka khibradda u leh maaraynta maaliyadda, maamulka iyo lacagta.”
Qodobka 5: Ka dhig gurigaaga maalgashi faa’iido leh.
” Waa in aad guri dhisato.”
Qodobka 7: Kordhi awooddaada wax-soo-saarka.
“ Waa in aad horumariso dhammaan kartidaada, in aad wax barato oo aad xikmad yeelato, oo aad noqoto qof xirfad badan, oo aad u dhaqanto hab muujinaya ixtiraamkaaga. Markaa waxaad heli doontaa kalsooni nafeed taasoo kaa caawin doonta inaad u gaadho doonistaada si taxadar leh oo la tixgeliyo. “.






















