Maxaad Halkan Ka Raadinaysaa?!

0
165

Xalka Meel Fudud Haka Raadin

Juxa oo ah nin Carabtu aad u taqaano oo xikmad badan,  ayaa habeen wadada iftiinka nalalka leh ka raadinayay fure ( Muftaax ) ka lumay.

Nin dariiqa marayay oo rabay inuu kaalmeeyo, ayaa ku yidhi :  “Maxaad raadineysaa?”

Juxa: “Furahaygii.”

Ninkii: “Ma halkan ayuu kaaga lumay ?”

Juxa: “Maya, gurigayga dhexdiisa.”

Ninkii: “Hadda  maxaad halkan uga raadinaysaa?”

Juxa: “ Sababtoo ah halkan ayaa iftiin leh, gurigaygu waa madow!”. Ninkii ayaa yaabay oo iskaga dhaqaaqay isagoon u jawaabin.

Xikmadduna ,  wakhtiyo badan xalalka mushkuladda waxaan ka raadinaa meel fudud, halkii aan ka raadin lahayn meesha saxda ah, taasina waxa ay keenta in aan la helin xalkii dhabta ahaa ee dhibaatada dawayn lahayd. Juxa weligii halkan kama helaayo furaha ka lumay, waayo maba yaalo.