Wiilka Iyo Barashada Casharada Ganacsiga!

0
165

Macmiilka Mar Kasta Waa Saxan yahay

Nin ganacsade ah ayaa wiilkiisa barayay habka ganacsi iyo sida macmiilka loo raali geliyo . Waxaana uu ku yidhi:   “ Aabo ogow,  Macmiilku mar walba isagaa sax ah.”

Casharkaasi ayuu wiilku ku shaqayn jiray, isagoo aad u raaligeliya macmiilka. Maalin dambe ayay laba macmiil aad isu khilaafeen oo murmeen, wiilkiina waxa uu garan waayay ka uu taageero labadooda.
Wiilka ayaa aabihii ku yidhi :“Aabbo, laba macmiil marka ay isku khilaafaan hortaada, kee sax ah ee aad taageraysa?”

Aabbihii oo ah waayo arag ayaa qoslay oo yidhi:
“ Adigu kolba Kan lacagta bixiya ayaad taageraysa!”  Waa inaad ogaato,  Maamulka ganacsigu wuxuu u baahan yahay miisaan iyo xeelad, ma aha odhaah kaliya. Macmiilka waxa keliya ee lagu tixgeliyaa waa inuu dakhli soo geliyo ganacsiga.