- Markaad sabirto, xaalad kastaa waxay isu bedeli kartaa fursad.
- Wakhtiyada adag waa kumeelgaadh, maaha joogto ha niyad jabin.
- Xitaa hal iftiin yar ayaa ka weyn mugdiga ugu weyn.
- Noloshu waa sida kafeega, mararka qaar waa macaan, mar kalena waa qadhaadh, laakiin mar kasta waa la cabi karaa.
- Ka hor intaanad maamulin dadka kale, maamul naftaada.
- Naftaadu waxay u baahan tahay dulqaad, sida ubaxu ugu baahan yahay biyaha iyo qorraxda
- Maskaxdaadu waa sida dooni, dareenkaaguna waa dabaysha, hadba si fiican u hag si aad u gaadho dekedda aad rabto.























