Max Dowman ayaa taariikh sameeyay habeenkii Sabtida kadib guushii Arsenal ay Emirates kaga gaadhay Everton.
Sida laga soo xigtay OptaJoe, 16 sano iyo 73 maalmood jirka, Dowman ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa taariikhda ee gool ka dhaliya Premier League.
Dowman waxa uu Arsenal ku soo biiray kooxda da’yarta ee 2015 isaga oo ka yimid Billericay Town, haddana wuxuu matalaa kooxda qaranka England ee U-19.
Arsenal ayaa kulankeeda xiga wajaheysa Bayer Leverkusen UEFA Champions League Talaadada, waxaana Dowman uu rajeynayaa in uu waqti ciyaareed ka helo Gunners kadib markii lugtii hore ay 1-1 ku dhamaatay isaga oo aan qeyb ka noqon kulankaas.






















