Burco: Xukuumada JSL oo Go’aamo ka Soo Saartay Xallinta Khilaafka Jaamacada Caafimaadka Burco

0
135

Hargeysa (Dawan) Guddida farsamo ee uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro u saaray xallinta khilaafka maamul ee jaamacadda Caafimaadka (University College of Health Science Burco), waxa ay dib-u-eegis ku samaysay xaaladda maamul ee jaamacadda oo maalmihii u dambeeyey arrinteedu taagnayd.

Kaddib, lafagur xeeldheer oo ay si taxadar leh dhinac kasta uga eegtay xaaladaha la xidhiidha arrintan, sidoo kalana ay tixgelisay shuruucda waxbarashada dalka, iyo talada masuuliyiinta dawladda ee deegaanka iyo maamulka gobalka iyo degmada, waxa ay go’aamisay:

  1. Lahaanshiyaha hantida: University College of Health Science Burco, waa hanti qaran oo ay leeyihiin dadweynuhu, sidaas awgeed shakhsi, koox, hay’ad ama cid kale oo gaar ahi ma sheegan karto lahaanshiyaheeda.
  2. Golaha sare ee jaamacadda: Golaha sare ee maamulka jaamacadda (Board), waxaa si dhaqso ah loogu samayn doonaa dib-u-eegis iyo dib-u-nidaamin, loo raacayo shuruucda dalka.
  3. Maamulka Jaamacadda: Si loo ilaaliyo habsami u socodka waxbarashada iyo adeegyada jaamacadda, waxaa shaqada jaamacadda sii wadaya maamulkii hore.

Waajibka xukuumadda

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay mar kale caddaynaysaa in ay ka go’antahay ilaalinta hantida dadweynaha, habsami u shaqaynta hay’adaha waxbarashada, iyo xaqiijinta in tacliinta sare ee dalku ay ku shaqayso Daahfurnaan iyo u adeegga danta dadweynaha, si waafaqsan shuruucda dalka.

Magacyada Guddida:

  1. Mudane Khadar Xuseen Cabdi (Khadar Looge)

Wasiirka wasaaradda madaxtooyada

  1. Mudane Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf

Wasiirka wasaaradda waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska

  1. Mudane Dr. Xuseen Bashiir Xirsi

Wasiirka wasaaradda Horumarinta Caafimaadka

  1. Mudane Prof.Xasan Cumar Halas

Guddoomiyaha Guddida Tacliinta Sare.