Risiqa Iyo Niyada Wanaagsan
Nin shaqaale ah oo mushahar yar qaadanayay, laakiin shaqadiisu wanaagsan tahay ayaa maalin shaqada aad uga habsaamay. Maamulaha ayaa u famay in lacagta yar ee uu qadanay ay tahay dhibaatadu, ka dibna mushaharka ayuu u kordhiyay isagoon waxba weydiin.
Laakiin kordhkaasi kama mahadniqin ninka shaqaalaha ahi. Maalin danbe ayuu haddana shaqada ka daahay, markaasi ayuu maamuluhu u arkay nimaan shaqada dan ka lahayn ka dibna wuxu ka jaray qadarkii uu u kordhiyay.
Markii uu qaatay mushaharka haddana mar kale wax dhibaato ahuma arkin musharka laga dhimay kamana caban.
Maamulaha oo aad u yaaban ayaa u yeedhay oo ku yidhi “ Maalintii aan kuu kordhiyay, maad dareemin kordhkii, maanta oo aan ka jarayna ismaad bedelin, maxaa kuugu wacan”?
Ninkii ayaa ku jawaabay : “ Maalintii aad ii kordhisay waxa ii dhashay wiil, waxaana aan u fahmay in wiilku arsaqadiisa wato. Markan aad jartayna waxa dhimatay hooyaday, waxaan u fahmay in arsaaqadeedii la iga jaray”.
Maamulaha oo fikiradaha ninka iyo niyadiisa wanaagsan la yaaban ayaa u soo celiyay lacagtii uu ka jaray markii uu ogaaday in aanu shaqada sagsaagayn. Risiqa iyo Niyadda wanaagsan way isku xidhan yihiin.






















