Barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan waxa aynu soo qaadan doona, wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qaaday tallaabooyin waa weyn oo lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka dalka, iyada oo hawlo kala duwan ka fulisay gobollo iyo degmooyin badan, si loo gaadhsiiyo adeeg caafimaad oo tayo leh bulshada, gaar ahaan meelaha ka fog xarumaha waaweyn.
Wasaaraddu waxay adeeg caafimaad oo outreach dhamaystiran ka fulisay deegaanada hoos yimaada degmooyinka Sallaxlay iyo Balimataan.
Adeeggan oo laga hirgeliyey in ka badan 20 tuulo ayaa waxaa ka qayb qaatay dhakhaatiir, kalkaaliyeyaal iyo umulisooyin.
Ujeeddada ugu weyn ayaa ahayd ka jawaabista xaalad xumad baahsan oo ka jirtay deegaanadaas, taas oo saamaysay dad badan.
Adeeggan ayaa si degdeg ah loogu daweeyey bukaannadii, isla markaana bulshada loo gaadhsiiyey adeegyo caafimaad oo hore uga maqnaa.
Masuuliyiin uu ka mid yahay Dr. Cabdiraxmaan Muuse Caalin iyo madax kale oo wasaaradda ka tirsan ayaa si toos ah ula kulmay bulshada, iyaga oo dhagaystay baahiyaha jira.
Bulshada ayaa codsatay in laga hirgeliyo xarumo caafimaad oo joogto ah, iyagoo uga mahadceliyey wasaaradda gurmadka ay gaadhsiisay.
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa si rasmi ah u bilowday wajiga afraad ee ololaha tallaalka carruurta, kaas oo si isku xidhan ula socda adeegyada nafaqada si loo xoojiyo caafimaadka carruurta dalka.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa bulshada ugu baaqay in si buuxda loo qaato tallaalka carruurta, laga fogaado isticmaalka biyaha wasakhaysan, isla markaana la raaco talooyinka caafimaad, gaar ahaan xilliyada roobka oo ay kordhaan cudurrada faafa.
Ololahan ayaa muhiim u ah ka hortagga cudurrada iyo horumarinta caafimaadka carruurta, iyadoo wasaaraddu ku dadaalayso in adeegyo isku dhafan la gaadhsiiyo bulshada.
Wuxuu xusay in cudurrada faafa sida jadeecada iyo kaneecadu ay kordhaan xilligan, isla markaana tallaalku yahay difaaca ugu muhiimsan.
Waxaanu yidhi.“Waxa jira dad culimo sheegta oo gobalka ku nool oo qeyb ka ah in aan talaalka la qaadan, waxa kale oo jira dad bahda caafimaadka ah oo iyagu na qeyb ka ahnin aan talaalka la qaadan.
Waxa aynnu og nahay in goballadii kale oo bad qaba in mar walba ay Burco ku soo noq noqdaan xanuunada dilaaca ee sida Jadeecada iyo wixii la hal maala.”
Agaasimaha guud ayaa si gaar ah ugu digay bulshada gobolka Togdheer, gaar ahaan Burco, in ay ka dheeraadaan wararka aan la hubin ee lidka ku ah tallaalka.
Waxaanu yidhi.“Waxa aan reer Togdheer ugu baaqayaa inay talaalka qaataan oo aanay qaadan hadalada ku tiri ku teenka ah ee ka imanaya wax ma garatada iyo dadka caafimaadka aan khibradda badan u lahayn”.
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa ka guddoontay hay’adda UNICEF daawooyin iyo agab caafimaad oo muhiim ah, kuwaas oo lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka dalka.
Agabkan ayaa door weyn ka qaadan doona horumarinta adeegyada caafimaadka, taageeridda gurmadka degdegga ah iyo daboolidda baahiyaha daawooyinka ee jira, gaar ahaan xaaladaha degdegga ah iyo meelaha u nugul adeeg-yaraanta.
Wasaaradda ayaa si weyn ugu mahadcelisay UNICEF taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Somaliland, taas oo kaalin muuqata ka qaadatay horumarinta caafimaadka bulshada.
War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland iyo Komishinka Tacliinta sare ayaa lagu caddeeyey in si rasmi ah loo xalliyey khilaafkii ka taagnaa magaca Kuliyadda Caafimaadka ee Burco.
Labada hay’adood ayaa isku raacay in kuliyaddu tahay hanti qaran, isla markaana magaca rasmiga ahi yahay University College of Health Sciences Burao iyadoo la xaqiijiyey in isbeddelladii hore ee magacyadu aanay wax saamayn ah ku yeelan doonin waxbarashada iyo mustaqbalka ardayda.
Go’aankan ayaa soo afjaray jahawareerkii ka dhashay magacyo kala duwan oo kuliyaddu soo martay, wuxuuna xoojinayaa nidaamka iyo kalsoonida waxbarashada caafimaadka ee dalka.
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, oo kaashanaysa hay’adda World Vision, ayaa qabatay shir laba maalmood socday oo lagu xoojinayo dadaallada lagula dagaallamayo cudurka qaaxada.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray hababka casriga ah ee lagu ogaado qaaxada, doorka muhiimka ah ee nafaqadu ku leedahay caafimaadka iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya hay’adaha caafimaadka.
Khubaro caafimaad ayaa halkaas ku soo bandhigay xog muhiim ah iyo qorshayaal wax ku ool ah oo lagu horumarinayo la dagaallanka cudurka qaaxada mustaqbalka.
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa bilowday hirgelinta nidaam casri ah oo loo yaqaan Electronic Immunization Registry (EIR), kaas oo wax weyn ka beddelaya habka diiwaangelinta tallaalka carruurta.
Nidaamkan ayaa ka dhigaya diiwaangelinta tallaalka mid dijitaal ah, wuxuu waalidiinta u dirayaa fariimo SMS ah oo xasuusinaya jadwalka tallaalka, isla markaana wuxuu si weyn u hagaajinayaa tayada xogta caafimaadka dalka.
Waxaa sidoo kale lagu xidhay nidaamka xog ururinta caafimaadka ee DHIS2 si loo xoojiyo go’aan qaadashada ku salaysan xog sax ah.
EIR ayaa hadda laga hirgeliyey 12 xarumood oo caafimaad, iyadoo la filayo in uu door muhiim ah ka qaato horumarinta adeegyada tallaalka iyo caafimaadka guud ee bulshada.
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa safar shaqo ku tegay Gobolka Awdal, halkaas oo uu si rasmi ah uga furay xarumo Hooyada iyo Dhallaanka ah oo dib-u-habayn iyo casriyayn ballaadhan lagu sameeyey.
Xarumaha la furay waxaa ka mid ah Xarunta Sheekh Cismaan, Xarunta dhexe ee Hooyada iyo Dhallaanka, iyo Xarunta Shiffo, kuwaas oo si weyn kor ugu qaadi doona tayada iyo helitaanka adeegyada caafimaad ee hooyada iyo dhallaanka ee gobolka.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada wasaaradda ee lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka, gaar ahaan meelaha u baahan horumarinta adeegyada aasaasiga ah.
Guud ahaan, Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa muujisay dadaal xooggan oo la taaban karo, kaas oo ku wajahan gaadhsiinta adeegyo caafimaad oo dhamaystiran dhammaan bulshada, gaar ahaan meelaha fogfog ee adeeg-yaraantu ka jirto.
Wasaaraddu waxay si muuqata u xoojisay tallaalka iyo ka hortagga cudurrada faafa, horumarisay kaabeyaasha caafimaadka sida xarumaha hooyada iyo dhallaanka, isla markaana hirgelisay adeegsiga teknoolojiyadda casriga ah si loo hagaajiyo tayada adeegyada iyo xogta caafimaadka.
Tallaabooyinkan isdaba joogga ah ayaa caddeyn u ah sida ay wasaaraddu uga go’an tahay in ay bulshada Somaliland gaadhsiiso adeeg caafimaad oo tayo leh, waara, isla markaana daboolaya baahiyaha caafimaad ee jira.
Nuxurka fariinta barnaamijkan
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa dardar-gelisay adeegyada caafimaadka dalka iyadoo gaadhsiisay adeegyo degdeg ah meelaha fog, xoojisay tallaalka carruurta iyo ka hortagga cudurrada, heshay taageero daawo iyo agab ah oo ka timid UNICEF, hirgelisay nidaamyo dijitaal ah, isla markaana casriyeysay xarumo caafimaad.
Guud ahaan, tallaabooyinkan waxay muujinayaan dadaal ballaadhan oo lagu horumarinayo caafimaadka bulshada iyo gaadhsiinta adeeg tayo leh oo waara.























