Somaliland: “Iftiinka Xasilloonida Geeska Afrika“ The Africa Plus”

0
78

Qore Axmed M. Saleebaan

Addis Ababa (Dawan) Warbixin ay daabacday warbaahinta caalamiga ah ee The Africa Plus, oo fadhigeedu yahay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa tilmaamaysa in Jamhuuriyadda Somaliland si weyn uga dhex muuqato marxaladda siyaasadeed ee ay qaaradda Afrika ku jirto, xilli ay 55-ka dal ee Afrika ka tashanayaan jihada cusub ee mustaqbalka siyaasadeed ee qaaradda.

Warbixintu waxay sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay beesha caalamku u aragto astaanta xasilloonida iyo degganaanshaha qaaradda, isla markaana ay tahay ilays dimuqraadi ah oo ka dhex ifaya Gobolka Geeska Afrika. Waxa kale oo warbixinta lagu xusay inay tahay lammaane la isku halayn karo oo leh muhiimad istiraatiiji ah oo aan mar dambe la iska indho tiri karin.

Warbixintan oo uu soo xigtay Wargeyska Dawan ayaa lagu bilaabay: “Xilligan oo ay 55-ka dal ee Afrika qorshaynayaan qeexidda jihada mustaqbalka qaaradda, Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka dhex iftiimaysaa Geeska Afrika, iyadoo muujinaysa inay tahay astaan xasillooni iyo lamaane lagu kalsoonaan karo oo leh muhiimad istiraatiiji ah oo sii kordhaysa.”

Jamhuuriyadda Somaliland, oo ku taalla gobol inta badan lagu yaqaanno hubanti la’aan siyaasadeed iyo caqabado amni, ayaa muddo ka badan 33 sano ku naaloonaysay xasillooni, amni, iyo horumar maamul. Waxay dhistay hay’ado dowladeed oo dimuquraadi ah iyo hannaan doorashooyin oo joogto ah, taasoo ka dhigaysa mid ka duwan dalal badan oo ku yaalla Afria.

Sidoo kale, goobta juqraafiyeed ee Somaliland ku taallo ee Gacanka Cadmeed ayaa sare u qaadaysa muhiimaddeeda caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo amniga. Dekedaha iyo u dhowaanshaha khadadka ganacsiga baddu waxay Somaliland siinayaan fursad ay ku noqoto xarun muhiim u ah saadka iyo iskaashiga caalamiga ah.

Marka ay quwadaha caalamka iyo kuwa gobolku dib u eegayaan istiraatiijiyaddooda ku aaddan Geeska Afrika, doorka Somaliland ee ah lamaane la isku halayn karo ayaa sii xoogaysanaya. Jihada ay u socoto waxay muujinaysaa in aanay ahayn oo keliya mid muhiim u ah gudaha, balse ay si isa soo taraysa uga dhex muuqanayso doodaha waaweyn ee la xidhiidha amniga, ganacsiga, iyo diblomaasiyadda qaaradda Afrika.