Dagaalada Taariikhda Galay Iyo Ciidankii Jabay!

0
137

Hawlgalkii ugu ballaadhnaa oo ay ciidan isu dhiibaan taariikhda aadanaha ah, oo ku diiwaan gashan magaca ciidamada Mareykanka.

In ka badan 78,000 oo askari oo Maraykan ah ayaa isu dhiibay in ka yar 4,000 oo askari oo Japaniis ah oo ku sugnaa jasiiradda Batan ee dalka Filibiin intii lagu jiray dagaalkii labaad ee adduunka sannadkii 1942-kii, ka dib go’doomin qadhaadh oo halis ahayd soctoyna muddo 3 bilood ah.

Ciidanka Jabbaaniiska waxa ay u kexeeyeen ciidanka Maraykanka ee is dhiibay xerooyin lagu haynayo iyaga oo lugaysiiyay masaafad dhan 90 km, laakiin waxa u suurtoobi wayday in ay cunto siiyaan tirada ciidanka oo aad u badanayd sidaa darteed 6,000 oo askari oo Maraykan ah ayaa ku dhintay socodkii gaajo darteed.

Ameerika waxay dhacdadan u aragtaa ceeb…sidaas darteed laguma xusin inta badan warbixinaha iyo buugaagta taariikhiga ah ee wax ka qoraya dagaalkii labaad

Iyadoo warbixino laga soo saaray Midowgii Soofiyeeti ay si joogto ah u soo hadal qaadayaan dhacdadan oo cadeyn u ah daciifnimada ciidamada Mareykanka… ilaa maantana waa ay socotaa..