Markab nooca shidaalka qaada ah oo lagu magacaabo al-Salmi oo sita calanka Kuwait ayaa shalay aroortii lagu dhuftay gantaal “aan la garanayn cid soo tuurtay” . Markabka oo ku dhowaa dekedda Dubai ee Imaaraadka Carabta, ayaa siday 1.2 foosto, sida ay sheegtay shirkadda sirdoonka badda ee Vanguard.
Shirkadda ayaa sheegtay in la xakameeyay wixii saarnaa markabka, dhammaan shaqaalihii saarnaana ay bad qabaan, isla markaana aan la aqoonsan wax saameyn ah oo deegaanka ah.
Markabka Al-Salmi, oo la sameeyey 2011, waxaa iska leh oo maamula Shirkadda Taangiyada Saliida ee Kuwait ee ay dawladdu maamusho. Shirkad kale oo sirdoon oo ku takhasustay arrimaha badda, laguna magacaaboTankerTrackers.com, ayaa sheegtay in markabku uu siday qiyaastii 1.2 milyan oo foosto oo saliid ceedhin ah oo ay leeyihiin Sacuudigu ah iyo 800,000 oo foosto oo cayriin ah oo Kuwait ah, isla markaana la raray bishii hore.
Xogta raadraaca ee laga heli karo MarineTraffic waxay muujineysaa in markabku uu uu u socdo oo ah Qingdao oo ku taal Shiinaha. Mas’uuliyiinta Dubai ayaa sheegay in aan la soo sheegin wax daadasho saliid ah ama dhaawac ah. Hase ahaatee, Shirkadda Batroolka Kuwait ayaa ka digtay suurtagalnimada in shidaal daato , sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Kuwait KUNA.
Markabka ayaa lagu duqeeyay meel 31 mayl badeed waqooyi-galbeed ka xigta Dubai, sida laga soo xigtay hay’adda badda ee UK (UKMTO).
Gantaalka ayaa dhaliyey dab, kaas oo markii dambe maamulka Dubai uu damiyay, isla markaana xakameeyay, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.






















