Wasaaradda Caafimaadka JSL oo Horumar Xooggan ku Socda, Qorshayaal, Tababaro iyo Adeegyo Bulshada La-gaadhsiiyay

0
27

Barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona, wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dardargelin weyn ku samaysay horumarinta adeegyada caafimaadka dalka, iyadoo hirgelinaysay qorshayaal istiraatiiji ah, tababaro, kormeerro iyo shirar muhiim ah oo si toos ah u taabanaya nolosha bulshada.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Marwo Samsam Maxamed Saalax, ayaa si faahfaahsan uga hadashay geeddi-socodkii dheer ee uu soo maray Xeerka Caafimaadka Qaranka, iyadoo tilmaantay in uu yahay mid ka dhashay dadaal iyo wada-shaqayn ballaadhan oo ay ka qayb qaateen khubaro, hay’ado iyo daneeyayaal kala duwan.

Waxay xustay in xeerkani uu yahay tiir-dhexaad muhiim u noqonaya horumarinta nidaamka caafimaadka dalka, maadaama uu diiradda saarayo tayeynta adeegyada caafimaadka, sugidda heerarka tayada iyo hubinta in bulshada oo dhan ay helaan daryeel caafimaad oo loo siman yahay.

Wasiir ku-xigeenku waxay carrabka ku adkaysay in Xeerka Caafimaadka Qaranku uu door muuqda ka qaadan doono dib-u-habaynta iyo xoojinta nidaamka caafimaadka, isla markaana uu horseedi doono adeegyo caafimaad oo hufan, tayo leh, oo gaadha dhammaan bulshada Somaliland.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, oo kaashanaysa WHO, ayaa qabatay tababar muhiim ah oo lagu xoojinayo awoodda ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka, kaas oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo diyaar-garowga iyo badbaadada bulshada.

Tababarkan ayaa si gaar ah diiradda u saaray ka hortagga cudurrada dillaaca, maaraynta masiibooyinka dabiiciga ah iyo xoojinta qorshayaasha diyaar-garowga xaaladaha caafimaad ee degdegga ah.

Waxa hoggaaminayey Dr. Maxamed Ismaaciil Yuusuf iyo Dr. Khadar Cumar Faarax, iyadoo ay ka soo qayb galeen wakiillo ka kala socday gobollada dalka iyo khubaro farsamo oo ka socday WHO.

Intii uu tababarku socday, ka qaybgalayaashu waxay baranayeen hababka casriga ah ee qiimaynta khatarta, dejinta qorshayaasha degdegga ah, iyo dhisidda kooxo heegan ah oo si dhaqso leh uga jawaabi kara xaaladaha soo kordha.

Ujeeddada ugu weyn ee tababarkan ayaa ah in la helo shaqaale caafimaad oo aqoon iyo xirfad leh, kuwaas oo si hufan oo degdeg ah uga jawaabi kara xaaladaha halista ah, isla markaana yareeya saamaynta ay ku yeelan karaan bulshada.

Kulanka dib-u-eegista saddex-biloodlaha ah ee Caafimaadka Hooyada iyo Taranka (SRMH) iyo Maareynta Sahayda Daawooyinka (PSM) oo lagu qabtay magaalada Hargeysa ayaa noqday mid muhiim u ah qiimaynta iyo horumarinta adeegyada caafimaadka ee dalka.

Kulankan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray daryeelka hooyada iyo dhallaanka, xoojinta adeegyada qorsheynta qoyska, iyo hubinta helitaanka dawooyinka muhiimka ah.

Waxaa ka soo qayb galay daneeyayaal kala duwan oo ay ka mid yihiin UNFPA, Save the Children iyo hay’ado kale oo si dhow ula shaqeeya Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer loo falanqeeyay korodhka adeegyada caafimaadka, caqabadaha ka jira gaadhsiinta adeegyada meelaha fogfog  iyo baahida loo qabo hagaajinta nidaamyada xogta caafimaadka si loo helo go’aan qaadasho sax ah.

Inkasta oo kulanku muujiyay horumar muuqda oo laga gaadhay adeegyada caafimaadka, haddana waxaa la isla qaatay in ay jiraan caqabado weli u baahan xalal wadajir ah, si loo xaqiijiyo adeegyo caafimaad oo tayo leh, joogto ah, isla markaana gaadha dhammaan bulshada.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Maayarka caasimadda Hargeysa, Cabdikariin Axmed Mooge, kaas oo si qoto dheer loogu lafaguray horumarinta adeegyada caafimaadka ee heer degmo.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray ballaadhinta adeegyada caafimaadka aasaasiga ah, dhismaha iyo kordhinta xarumaha caafimaadka, iyo tayeynta adeegyada la siiyo bulshada.

Dhinaca Dawladda Hoose, waxa la soo bandhigay mashaariic horumarineed oo ay ka mid yihiin xarumo cusub oo la dhameystiray, kuwo kale oo wali dhismahoodu socdo  iyo qorshayaal lagu xoojinayo qalabaynta iyo taageerada xarumaha caafimaadka.

Isku soo wada duuboo, kulankan ayaa lagu tilmaamay mid laf-dhabar u ah xoojinta iskaashiga labada dhinac, isla markaana door muhiim ah ka qaadanaya sidii bulshada ku nool caasimadda ay u heli lahaayeen adeeg caafimaad oo tayo leh, la heli karo, isla markaana waara.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta agoomaha ee magaalada Hargeysa, si uu ugu kuurgalo xaaladda guud ee carruurta iyo adeegyada ay helaan.

Intii uu kormeerku socday, wasiirku wuxuu si dhow u qiimeeyay xaaladda caafimaad ee carruurta, isagoo ballan qaaday in la joogteyn doono adeegyada talaalka, isla markaana la xoojin doono taageerada dhinaca nafaqada si loo hubiyo korriin caafimaad leh.

Dhanka kale, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Marwo Samsam Maxamed Saalax, ayaa kormeer ku tagtay xarunta hooyada iyo dhallaanka ee magaalada Boorama, halkaas oo ay diiradda ku saartay tayada adeegyada la bixiyo, xaaladda qalabka caafimaadka iyo baahiyaha weli u baahan in wax laga qabto.

Kormeeradan isdaba-joogga ah ayaa muujinaya dadaalka joogtada ah ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee lagu xoojinayo adeegyada bulshada, si loo hubiyo in dhammaan qaybaha bulshada ay helaan daryeel caafimaad oo tayo leh, joogto ah, isla markaana la gaadhsiiyo meel kasta oo ay joogaan.

Agaasimaha Qorshaynta ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Idil Ismaaciil Muuse, ayaa ka qayb gashay shir caalami ah oo ka qabsoomay United Kingdom, kaas oo ay soo qabanqaabisay Global Health Partnership, laguna gorfeeyay horumarinta nidaamyada caafimaadka iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah.

Sidoo kale, Xamse Cali Maxamed ayaa ka qayb galay shir kale oo ka dhacay Bishoftu, oo ay soo qabanqaabisay International Federation of Red Cross and Red Crescent Societies, kaas oo si gaar ah diiradda loogu saaray ka hortagga cudurrada faafa, isgaarsiinta khatarta, iyo kor u qaadista ka qaybgalka bulshada.

Ka qaybgalka shirarkan caalamiga ah ayaa muujinaya dadaalka Wasaaradda ee ku aaddan ballaadhinta iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta awoodda dalka ee ka hortagga iyo la tacaalidda cudurrada.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, oo kaashanaysa World Vision, ayaa qabatay munaasibad lagu xusay Maalinta Qaaxada Adduunka, taas oo lagu xoojiyay dadaallada lagula tacaalayo cudurka qaaxada.

Munaasibadda ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista wacyigelinta bulshada, muhiimadda ogaanshaha hore ee cudurka, iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha kala duwan si loo gaadho natiijooyin waara.

Guud ahaan, xuskan ayaa muujinaya sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay yareynta iyo xakamaynta qaaxada, iyada oo la adeegsanayo wacyigelin iyo wada-shaqayn ballaadhan.

Shir muhiim ah oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, isla markaana ay ka qayb qaadatay London School of Economics, ayaa si qoto dheer diiradda loogu saaray horumarinta aqoonta iyo xirfadaha bahda caafimaadka (CME).

Shirkan ayaa lagu lafaguray baahida loo qabo in la dhiso nidaam waxbarasho oo joogto ah, kaas oo kor u qaada tayada shaqaalaha caafimaadka, isla markaana xoojiya iskaashiga u dhexeeya jaamacadaha iyo hay’adaha caafimaadka.

Dhanka kale, Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa dardargelisay gaadhsiinta adeegyada caafimaadka meelaha fog, iyadoo adeegyo caafimaad oo dhammaystiran la gaadhsiiyay in ka badan 20 tuulo oo ku yaalla deegaanada Sallaxley iyo Balimataan, adeegyadan ayaa lagu daweeyay xanuunno faafay, laguna bixiyay gargaar caafimaad oo degdeg ah, iyadoo sidoo kale si toos ah loo dhegeystay baahiyaha bulshada.

Bulshada deegaanadaas ayaa si weyn uga mahadcelisay tallaabadaas, iyagoo muujiyay baahi weyn oo loo qabo in la helo xarumo caafimaad oo joogto ah si loo xoojiyo adeegyada mustaqbalka.

Gaba-gabaddii, Dhammaan dadaalladan waxay muujinayaan ka go’naanta Wasaaradda ee horumarinta adeegyada caafimaadka, xoojinta nidaamka caafimaadka dalka, iyo gaadhsiinta adeegyo tayo leh dhammaan bulshada, meel kasta oo ay joogaan.

Waxay sidoo kale iftiiminayaan jihada cusub ee caafimaadka Somaliland, oo ku wajahan adeeg caafimaad oo loo siman yahay, waara, isla markaana la jaanqaadaya baahiyaha bulshada casriga ah.