Xeerka Dawooyinka Somaliland: Ka Hortag Dawoyinka Dhacay iyo Kuwa Tayadoodu Liidato

0
32

Qore Sacad Xarbi

Hargeysa (Dawan) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka JSL, Marwo Samsam Saalax, ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in si buuxda loo dhaqan-geliyo xeerka daawooyinka si loo xakameeyo tayada dawooyinka la keeno dalka.

Wasiir Ku-xigeenku Waxay tilmaantay in dalka ay ka jiraan caqabado la xidhiidha daawooyin aan tayo lahayn oo la keeno, sidoo kale wakhtigana ay daawoyinka ay dhalinyaradu u adeegsadaan si qaldan oo sakhrad oo kale ah, taas oo ah aafo loo baahan yahay in la xakameeyo.

Wasiir Ku-xigeenka ayaa sheegtay in dhaqan-gelinta xeerka daawooyinka ay wax badan ka tari doonto hagaajinta tayada daawooyinka, habka loo qoro, iyo in laga hortago daawooyinka dhacay ama aan dhameystirneyn ee suuqa lagu iibiyo.

“Xeerka daawooyinku inuu dhaqangalo ayaan doonaynaa, waana meelaha aan ka jabnay ee daawooyin tayo leh aan wadanka la keenayn. Daawooyinkii aafooyin kale ayay la yimaadeen ciyaalada iminka qaar baa u isticmaala hab sakhrad ah markaas in xeerkaasi wax badan ka badalo tayada dawada, sida loo qorayo,in aan qolyaha daawooyinka ka ganacsadaa inoo keenin daawooyin dhacay, kuwo tayadii loogu talogalay u dhamaystirnayn ayaa rajaynaynaa.”Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka JSL Marwo Samsam Saalax ayaa sidan ka sheegtay mar ay booqatay xarunta dadka baahiyaha gaarka ah ee BVO.