“Dalalka Caalamka ee Aqoonsigga Somaliland u Safan Sannadkan 2026” Warbixin Caalami ah

0
82

Qore Sacad Cabdi Xarbi  

Hargeysa (Dawan) Hargeysa (Dawan) Warbixintan Caalamiga ah ee Horn Lens waxay sheegtay in lix waddan oo muhiim ah oo ka tirsan beesha caalamku ay sannadka 2026 isu diyaarinayaan inay aqoonsadaan madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Waddamadan waxaa lagu sheegay: Itoobiya, Imaaraadka Carabta, Mareykanka, Hindiya, Kenya, iyo Giriigga.

Warbixintan oo uu soo turjumay wargeyska Dawan, waxay tilmaantay in sannadka 2026 ay jiraan isbeddello muuqda oo ka socda Geeska Afrika, gaar ahaan doorka Somaliland ee gobolka. Warbixintu waxay xustay in Somaliland oo hore u heshay aqoonsi rasmi ah, haddana ay si weyn u sii kordhayaan waddamada doonaya in ay la sameeyaan iskaashi dhaqaale iyo amni, iyaga oo ka faa’iideysanaya kaabayaasha dhaqaalaha iyo goobta istiraatiijiga ah ee dalka.

Sidoo kale, warbixintu waxay sheegtay in waddamo badan oo caalami ah ay si dadban ula shaqeynayaan xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, iyagoo diiradda saaraya arrimo badan oo ay ka mid yihiin ganacsiga, saadka, iyo amniga, halkii ay si toos ah u siin lahaayeen aqoonsi diblomaasiyadeed.

“Sanadihii u dambeeyay, gaar ahaan 2026, doorka istiraatiijiga ah ee Somaliland ee Geeska Afrika ayaa sii kordhay. Horumarka kaabayaasha dhaqaalaha iyo goobta juquraafiyeed ayaa ka dhigay meel ay daneeyaan quwadaha adduunka. Iyada oo Dekedda Berbera ay noqotay xarun muhiim ah oo ganacsi iyo saadka ah, isla markaana isku xidhaysa Afrika, Bariga Dhexe, iyo Aasiya, sidoo kalena u adeegta dalalka aan bad lahayn sida Itoobiya,” ayaa lagu yidhi warbixinta.

Warbixintu waxay intaa ku dartay: “Waxaa soo baxaya fikrad cusub oo lagu magacaabo Dawladnimo Shaqaynaysa (Operational Statehood), taas oo macnaheedu yahay in dawladdu yeelan karto saameyn dhab ah xitaa haddii aan si rasmi ah loo aqoonsan. Somaliland waxaa loo qaadan karaa tusaale, maadaama nidaamyo caalami ah ay bilaabeen inay ku tiirsanaadaan kaabayaasha iyo xasilloonideeda.”