Dhir-beeris Qaran: Xukuumadda JSL oo Tallaabo Taariikhi ah u Qaadday Cagaarinta iyo Difaaca Degaanka

0
221

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar kale muujisay aragti qaran oo fog iyo hoggaan leh dareen masuuliyadeed oo qoto dheer, kaddib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro uu si weyn uga qayb-galay Munaasibadda Xuska Maalinta Dhir-beerista Qaranka. Xuskan oo si ballaadhan looga qabtay dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka, wuxuu noqday mid ka tarjumaya isbeddel qaran oo ballaadhan kuna  wajahan ilaalinta deegaanka, kobcinta nolosha bulshada, iyo dhisidda mustaqbal cagaaran oo jiilasha dambe ay ku faani karaan.

Khudbadda Madaxweynaha ayaa si cad u muujisay hoggaamiye u arka deegaanka in aanu ahayn arrin farsamo ama waax kaliya ku kooban, balse uu yahay tiir qaran oo la xidhiidha jiritaanka bulshada iyo horumarka dalka. Tani waa aragti muhiim ah oo dalalka badan ee gobolka ay weli ka gaabiyeen, balse Somaliland ay si geesinimo leh u hormarisay. Madaxweynuhu  wuxuu si dhab ah u iftiimiyay in dhir-beeristu tahay waajib qaran oo aan la iska indho tiri karin, isla markaana ay si toos ah u saameyso nolosha dadka, xoolaha iyo dhaqaalaha dalka.

Si kastaba ha ahaatee, farriinta Madaxweynaha ayaa ahayd mid rajo gelinaysa oo muujinaysa in xal waara uu suurtagal yahay haddii bulshada iyo dowladdu si wadajir ah u shaqeeyaan. Aragtida ah in dhir-beeristu tahay difaac nolosha, ma aha oo kaliya mid deegaanka lagu ilaalinayo, balse waa mid lagu sugayo mustaqbalka dhaqaalaha cagaaran iyo xasilloonida bulshada.

Baaqa Madaxweynaha ee ahaa in qof kasta oo reer Somaliland ahi uu ka qayb qaato ilaalinta deegaanka, wuxuu dhisayaa dareen qaran oo wadajir ah. Waa fariin ka baxsan siyaasadda maalinlaha ah, una gudbaysa heer wacyigelin bulsho oo qoto dheer. Tani waxay sidoo kale kor u qaadaysaa sumcadda Somaliland ee caalamka, iyadoo muujinaysa dal u dhaqmaya si mas’uuliyad leh oo la jaanqaadaya caqabadaha caalamiga ah sida isbeddelka cimilada.

Ballanqaadka Xukuumadda ee ku aaddan hirgelinta siyaasado iyo barnaamijyo lagu xoojinayo deegaanka, wuxuu muujinayaa jihayn cad oo dowladeed. Waa tallaabo muujinaysa in Somaliland aanay kaliya ka hadlin horumar, balse ay si dhab ah u fulinayso qorsheyaal waxtar leh oo mustaqbalka lagu dhisayo. Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo xukuumaddiisu waxay si cad u muujinayaan hoggaan leh aragti, ficil iyo mas’uuliyad, taas oo ah waxa ay bulsho kasta u baahan tahay si ay u gaadho horumar waara.

Dedaallada Somaliland ee dhanka deegaanka waa astaan muujinaysa bisayl qaran iyo faham qoto dheer oo ku saabsan mustaqbalka. Maalinta Dhir-beeristu ma aha oo kaliya xus sanadle ah, balse waxay noqotay calaamad muujinaysa waddo cusub oo ay Somaliland u qaadayso horumar cagaaran, ilaalin deegaan, iyo mas’uuliyad bulsho oo wadajir ah.