Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdillaahi Xasan Aadan, ayaa si cad u muujiyey doorka muhiimka ah ee Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay kobcinta dhaqaalaha dalka, isaga oo xusay in Wasaaraddu ay laf-dhabar u tahay dakhli uruurinta qaranka.
“Qarankani waxa uu ku socdaa dakhliga ay soo saarto Wasaaradda Maaliyaddu. Sida Madaxweynaha noogu igmaday in aanu fulino siyaasadda dakhliga, ayaanu annaguna idinku igmanay in waax walba ay ka qabato doorkeeda,” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdillaahi Xasan Aadan,.
Sidoo kale, Wasiirku waxa uu si gaar ah u bogaadiyey agaasimeyaasha iyo ku-xigeennadooda, isaga oo muujiyey kalsooni buuxda oo uu ku qabo kartidooda iyo hawlkarnimadooda. Waxaanu yidhi “Waxa aan kalsooni buuxda ku qabaa in agaasimeyaasha iyo agaasime ku-xigeennaduba ay yihiin shaqaale hawlkar ah oo awood u leh inay si hufan u gutaan waajibaadkooda.”
Hadalkan ayaa imanaya xilli ay xukuumaddu dadaal xooggan ugu jirto xoojinta nidaamka dakhli uruurinta iyo kor u qaadista koboca dhaqaale ee dalka, iyadoo la rajaynayo in iskaashiga iyo wada shaqaynta hay’adaha dawladdu ay door weyn ka qaadan doonaan horumarka mustaqbalka Somaliland.
Dhinaca kale Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL ayaa shalay xarunteeda dhexe ku qabatay kulan muhiim ah oo lagu qiimaynayay waxqabadka waaxyaha kala duwan ee wasaaradda muddadii u dhaxaysay Janaayo ilaa Maarso 2026. Kulan-hawleedka waxa guddoominayey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL Md. Cabdillaahi Xasan Aaden waxaana ku wehelinayey Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Md. Ismaaciil Mawliid Cabdillaahi iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Maxamed Xasan Saleebaan.
Inta uu socdo kulankan qiimaynta saddex-biloodka January-March, 2026 waxa si qoto dheer loogu falanqaynayaa warbixinaha waxqabad ee muddadaa saddexda bilood ah, iyadoo dib-u-eegis lagu sameeyey guulihii la gaadhay, caqabaddaha jira, iyo fursaddaha horumarineed ee u baahan in la xoojiyo.
Sidoo kale, kulanka waxa diiradda lagu saaray xoojinta maamul-wanaagga, kor u qaadidda daah-furnaanta iyo hufnaanta maaliyadeed, si loo hubiyo in Wasaaraddu si wax-ku-ool ah uga jawaabto waajibaadkeeda qaran.
Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL waxa ay leedahay Qorshaha Istiraatijiyadda shanta Sano ee 2024-2028 iyo qorshe-hawleed sanadle ah oo ka farcama, qorshe-hawleedkaas dhexdiisa ayey Waax kastaa ku leedahay bartilmaameedyo. Gabogabada kulankana Masuuliyiinta-sare ee Wasaaradda oo uugu horeeyo Wasiirku ayaa kalmado dardaaran ah ku soo afmeeri doona.




















