18-ka May: Guusha Safarka Qaranimada iyo Himilada Aqoonsiga Somaliland

0
131

WEEDHA WARGEYSKA

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan) Iyadoo ay soo dhowdahay maalinta 18-ka May, guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland waxaa si weyn looga dareemayaa diyaar-garowga iyo damaashaadka lagu xusayo sannad-guurada 35-aad ee dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland. Waa maalin qaran oo si qoto dheer ugu suntan qalbiyada shacabka, taas oo astaan u ah halgan, geesinimo, iyo himilo qaran oo la xaqiijiyey.

18-ka May waa maalin ka weyn xus iyo damaashaad; waa maalin xambaarsan farriin siyaasadeed, qaranimo iyo xaqiijinta qarannimada Somaliland. Waa maalintii ay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland si geesinimo leh ugu dhawaaqeen dib ula soo noqoshada madax-bannaanidooda 1991-kii. Maalintani waxay astaan u tahay go’aan shacbi oo aanay cidina loodin karin.

Diyaar-garowga loogu jiro xuska sannad-guurada 35-aad ee munaasabaddan qaran, ee ka socda gobollada iyo degmooyinka Somaliland wuxuu mar kale muujinayaa sida ay shacabka Somaliland uga go’an tahay ilaalinta qaranimadooda iyo xoojinta midnimadooda. Calanka ka babanaya waddooyinka, isu-soo-baxyada la qorsheynayo, iyo ka qaybgalka baaxadda leh ee bulshada ayaa dhammaantood xambaarsan fariin siyaasadeed oo cad: Somaliland waa qaran jira, leh dad, dhul, dawlad iyo rabitaan shacab oo mideysan.

Xuska 18-ka May wuxuu sidoo kale dunida u dirayaa fariin aan mugdi ku jirin. taas oo si cad u iftiiminaysa in Somaliland ay ku guuleysatay inay dhisto hannaan dimuqraadi ah, nabad waarta, iyo hay’ado dowladeed oo shaqeeya, iyada oo aan wax taageero ah ka helin beesha caalamka. Guulahaasi oo ah kuwo aan si sahlan ama dhayel ah lagu keeninkeenin; balse ah guul qaran oo ka dhalatay dadaal, is-afgarad iyo rabitaan qaran oo adag.

Sidaas awgeed, 18-ka May maaha oo keliya xus taariikheed, balse waa madal siyaasadeed oo lagu muujiyo qaan-gaadhnimada iyo bisaylka dawladnimada Somaliland iyo xaqa ay u leedahay aqoonsi buuxa. Waa maalin ay shacabka Somaliland dib ugu xaqiijiyaan dunida in go’aankoodii 1991-kii uu weli taagan yahay, isla markaana aanay jirin wax ka weecin kara himiladooda qaran.

Marka calanka Somaliland uu ka babanayo magaalooyinka iyo miyiga, waxa uu xambaarsan yahay sheeko halgan, adkaysi iyo rejo shacab. Waxa uu dunida xusuusinayaa in qaranimada Somaliland aanay ahayn riyo, balse ay tahay xaqiiqo siyaasadeed oo ku dhisan rabitaanka shacabka. 18-ka May waa maalin lagu faano, lagu midoobay, laguna muujiyo in Somaliland ay sii wadi doonto jidkeeda qaranimo ilaa ay ka gaadhayso himiladeeda kama dambaysta ah: aqoonsi buuxa oo caalami ah.