Patrick Vieira Oo Iftiimiyay Hal Sir oo Arsenal ay Kaga Guuleysan Karto City Ka Hor Dhammaadka Horyaalka

0
90

Loollanka loogu jiro horyaalka Premier League ayaa laga yaabaa in lagu kala baxo goolal-tirka haddii Arsenal iyo Manchester City ay wada guuleystaan dhammaan kulamadooda u haray. Manchester City ayaa hadda wax yar horreysa maadaama ay dhalisay goolal ka badan kuwa Arsenal (66 marka loo eego 63), inkastoo labada kooxood ay ka siman yihiin dhibcaha iyo goolal-tirka (GD).

Halyeyga Arsenal, Patrick Vieira, oo door muhiim ah ka ciyaaray hanashada horyaallada 1998, 2002, iyo 2004, ayaa ku boorriyay kooxdiisii hore inay xajistaan degganaanshaha xilli horyaalku marayo marxaladdii lagu kala bixi lahaa.

“Waxaan rabaa inay xasuustaan meesha ay joogaan iyo sababta ay halkaas u joogaan. Waxay fadhiyaan hoggaanka horyaalka, waxayna joogaan semi-finalka Champions League; heerkaasna lama gaadhi karo haddii aannay jirin tayo, ruux kooxeed, iyo wadajir,” ayuu yidhi Vieira.

Wuxuu intaas ku daray inay muhiim tahay inaan la baddalin qaabkii kooxdu u soo ciyaaraysay siddeedii bilood ee la soo dhaafay: “Marka la joogo orodka u dambeeya, waxaa muhiim ah inaan la iloobin tayadii keentay halka ay maanta joogaan, sababtoo ah taasi ayaa ka caawin doonta inay guuleystaan. Waa inaan la baddalin caadooyinka, ee la sii wado wixii la samayn jiray, laguna raaxaysto waqtiga lala qaadanayo qoyska.”

Vieira ayaa aaminsan in kalsoonida iyo joogteynta ay tahay furaha ay Arsenal kaga guuleysan karto Manchester City xilli-ciyaareedkan aadka u adag.