Manchester City Oo Sameysay Taariikh Kadib Guushii Southampton Kooxda Manchester City

0
144

Kooxda Manchester City ayaa dhigtay taariikh cusub ka dib markii ay guul 2-1 ah ka gaadhay kooxda Southampton kulankii semi-finalka FA Cup-ka ee ka dhacay garoonka Wembley.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhammaatay gool la’aan, balse Southampton ayaa markii hore hoggaanka ku qabatay gool uu dhaliyay Finn Azaz daqiiqadii 79-aad. Manchester City ayaa si degdeg ah uga soo kabsatay, iyadoo goolal ay u dhaliyeen Jeremy Doku iyo Nicolas Gonzalez ay xaqiijiyeen guusha wiilasha Pep Guardiola.

Sida ay werisay shabakadda xogta ururisa ee OptaJoe, guushan ayaa ka dhigan in Manchester City ay noqotay kooxdii ugu horreysay ee taariikhda tartankan gaadha afar final oo FA Cup ah oo isku xiga.

Manchester City ayaa hadda sugaysa kooxda ay isku wajihi doonaan finalka, taas oo ka soo bixi doonta kulanka dhexmaraya Chelsea iyo Leeds United oo maanta oo Axad ah dhacaya.