“Ikigai” waa in uu helo Sabab Uu u Noolaado
Dadka Japan ayaa ah dadka ugu cimri dheer caalamka, iyada cimirgoodu gaadho ugu yaraan ilaa 87 sanno. Sababta keenay ayaa ah kuwan soo socda:
- Cunto caafimaad leh: Dadka Japan waxay cunaan cuntooyin fudud oo caafimaad leh sida kalluun, khudaar, bariis, iyo shaah cagaaran. Waxaana ay iska ilaaliyaan oo ka fogaadaan dufanka badan iyo sonkorta.
- Nolosha firfircoon
Dad badan waxay si joogto ah u sameeyaan socod ama jimicsi fudud, taasoo ilaalisa caafimaadkooda. - Daryeel caafimaad oo wanaagsan
Japan waxay leedahay nidaam caafimaad oo horumarsan, qof walbana si fudud ayuu u heli karaa adeeg caafimaad oo sareeya - Noloshoodu waa mid nidaamsan oo leh waqtiyo cayiman (hurdo, shaqo, cunto), taasoo yareysa isku buuqa (stress-ka).
- Qoyska iyo bulshada ayaa si dhow u wada xidhiidha oo isjecel, taasoo keenta taageero nafsaani ah iyo niyad kalgacal oo joogto ah.
- Dhaqan gaar ah (Ikigai)
Waxay aaminsan yihiin fikrad lagu magcaabo Ikigai, oo ah in qofku helo sabab uu u noolaado, taasoo dhiirigelisa nolol dheer.






















