Tan iyo markii la bilaabay weerarada dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan su’aasha la is weydiinayaa waxay ahayd Yey ka godaa talada Iiraan? Dad badani waxay qabaan in jawaabtu iska caddahay. Waa Mojtaba Khamenei, wuxuu qaatay doorka hoggaamiyaha ugu sarreeya ka dib dilkii aabihiis, Cali Khamenei, Nidaamka Jamhuuriyadda Islaamiga ah jagada hogaamiyaha Ruuxiga ah waxa loogu talagalay inuu noqdo mid go’aan qaadasho leh. Wuxuu leeyahay hadalka ugu dambeeya ee ku saabsan wax kasta oo muhiim ah sida: dagaal, nabad, iyo jihada istaraatiijiyadeed ee dawladda. Laakiin dhab ahaan, sawirku aad ayuu u mugdi badan yahay.
Donald Trump ayaa hoggaanka Iiraan ku tilmaamay mid “jabay” wuxuuna soo jeediyay in Maraykanku uu ka sugayo Tehran inay soo saarto “soo jeedin mideysan”.
Midnimadu waa u hadaf hoggaamiyeyaasha Iiraan, taleefannadooda gacanta ayey dadka oo dhan fariin ugu direen iyaga oo leh “ma jiro wax la yidhaahdo qof adag, mid xag-jir ah ama dhexdhexaad ah oo ka jira Iiraan – waxaa jira hal qaran oo keliya iyo hal dariiqo”.
Mojtaba Khamenei laguma arag meel fagaare ah tan iyo markii uu xukunka la wareegay. Marka laga reebo dhowr hadal oo qoran, oo uu ka mid ahaa go’aankii ahaa in Marinka Hormuz uu xidhan yahay, laakiin ma jirto caddayn toos ah oo muujinaysa xukunkiisa maalinlaha ah.
Saraakiisha Iiraan ayaa qirtay inuu ku dhaawacmay weerarradii ugu horreeyay laakiin faahfaahin kale lagama bixin. Wargeyska New York Times, oo soo xiganaya ilo Iiraaniyiin ah, ayaa toddobaadkan ku warramay in laga yaabo inuu soo gaadheen dhaawacyo dhowr ah, oo ay ku jiraan wejigiisa oo ay ku adkeyd inuu hadlo.
Dadka reer Iiraan waa dad isku xidhan, waxa jira dad aad uga soo hor jeeda nidaadka, laakiin xilliga adag ma badheedhi karaan, sidaas oo kale dadka reer Iiraan waxay u arkaan wada hadal lala galo Maraykan in lays dhiibay.




















