Bruno Fernandes Oo Barbareeyay Rikoodh Muhiim Ah Oo Uu Dhigay Cristiano Ronaldo

0
154

Kabtanka Manchester United, Bruno Fernandes, ayaa xalay barbareeyay rikoodh muhiim ah oo uu dhigay Cristiano Ronaldo, ka dib markii uu gool caawiyay guushii 2-1 ahayd ee ay kooxdiisu ka gaadhay Brentford.

Fernandes ayaa caawiyay goolkii uu dhaliyay Benjamin Sesko, taas oo ka dhigan inuu hadda ku lug yeeshay 140 gool oo Premier League ah (70 gool iyo 70 caawin) intii uu joogay Manchester United. Tiradan ayaa la mid ah inta gool ee uu Ronaldo ka qayb qaatay horyaalka isagoo u ciyaaraya United (103 gool iyo 37 caawin).

Sida ay sheegtay OptaJoe, Fernandes ayaa rikoorkan ku gaadhay 226 kulan, isagoo ka dhakhsiyo badan Ronaldo oo isla tiradaas ku gaadhay 237 kulan (11 kulan ayuu ka horreeyaa).

Xiddigan 31-jirka ah, oo kooxda kaga soo biiray Sporting CP sannadkii 2020, ayaa hadda u muuqda mid qarka u saaran inuu dhowaan dhaafo saaxiibkiisa ay xulka Portugal ka wada tirsan yihiin si uu u noqdo midka ugu saameynta badan dhanka gool dhalinta iyo caawinta.