Chad: Dagaal ka dhashay Ceel biyood oo sababay dhimashada 42 qof

0
95

Ugu yaraan 42 qof ayaa ku dhintay 10 kalena way ku dhaawacmeen dagaal u dhexeeya qowmiyadaha iska soo horjeeda ee bariga Chad, kaas oo ka dhashay khilaaf ceel biyood, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.

Colaadda ka taagan gobolka Wadi Fira, oo markii hore u dhaxaysay laba qoys, ayaa la sheegay inay isu beddeshay wareeg weerarro aargoosi ah oo ku faafay dhul ballaadhan, iyada oo tuulooyin la gubay.

Mas’uuliyiinta Chad ayaa Isniintii sheegay in wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Limane Mahamat loo diray aaggaas, xaaladdana la xakameeyay.

Mahamat ayaa Isniintii booqasho ku tagay tuulada Igote ee taal gobolka Wadi Fira, oo u dhow xadka Suudaan, halkaas oo rabshaduhu ka billowdeen Sabtidii.

Mahamat wuxuu sheegay in rabshaduhu ay ku faafeen dhul ballaadhan iyada oo weerarrada aargoosiga ay sii xoogeysteen, taas oo keentay in ciidanku ay soo farageliyaan.

Wuxuu intaas ku daray in “jawaab degdeg ah” oo ay sameeyeen ciidamada amniga ay gacan ka geysteen xakamaynta rabshadaha,xaaladdana hadda “la xakameeyay”.

Mas’uuliyiintu waxay tuulada ka bilaabeen “hawl dhexdhexaadin ah oo caadi ah” waxayna fureen dacwado garsoor si loo xaqiijiyo mas’uuliyadda dambiyada, sida uu yidhi.

Isku dhacyada beelaha dhexdooda ah ee la xidhiidha tartanka dhulka iyo biyaha ayaa ku badan Chad. Sannadkii hore dagaal biyaha aha ayaa dhex maray beeraleyda iyo xoolo dhaqatada koonfur-galbeed waxaana la dilay tobanaan qof, waxaana la burburiyayna guryo.

Mahamat wuxuu sheegay in dowladdu ay qaadi doonto “dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah” si looga hortago xasillooni darro dheeraad ah oo ka dhacda gobolka xuduudda bari.

Rabshadaha ayaa imanaya iyada oo Chad ay wajahayso cadaadis sii kordhaya oo ka imanaya dagaalka ka socda dalka deriska la ah ee Sudan.

Gobollada bari waxay soo dhaweeyeen boqolaal kun oo qaxooti ah oo ka soo cararaya colaadaha, taas oo sii adkeynaysa kheyraadka horey u yaraa.

Kooxda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa sannadkii hore sheegtay inay diiwaangelisay toddobo dhacdo oo rabshado ah oo dhexmaray xoolo-dhaqato iyo beeraley intii u dhaxaysay 2022 iyo 2024, taasoo keentay 98 dhimasho.