Gary Neville ayaa aaminsan in kulanka soo socda ee u dhexeeya Manchester United iyo Liverpool uu miisaan weyn u leeyahay labada tababare ee Michael Carrick iyo Arne Slot, in kasta oo aannu kulanku go’aaminayn hanashada horyaalka.
Neville, oo ka hadlayay Sky Sports, ayaa xusay in ciyaartu ay tahay mid muujinaysa halka ay koox walba taagan tahay iyo fariinta ay dirayaan xilli-ciyaareedka dambe. “Haddii Arne Slot uu yimaado halkan oo uu guuleysto, waxay u noqon doontaa wax weyn. Sidoo kale, haddii Michael Carrick uu ka adkaado Slot, waxay u noqon doontaa guul aad u weyn,” ayuu yidhi Neville.
Wuxuu intaas ku daray in bilahii u dambeeyay ay Liverpool soo martay xaalado kala duwan, taas oo ka dhigaysa guusha kulankan mid muhiim u ah kalsoonida Slot. Dhanka kale, Carrick ayaa isna raadinaya inuu sii xoojiyo booskiisa kadib markii uu natiijooyin wanaagsan u keenay Manchester United.
Inkasta oo Neville uu ka xun yahay in ciyaartu aannay ahayn mid go’aamineysa horyaalka, haddana wuxuu qabaa in xamaasadda xifaltanka labada kooxood iyo muhiimadda ay u leedahay macallimiinta ay ka dhigayso kulan aad loo wada sugayo. Taageerayaasha labada dhinac ayaa isha ku haya sida ay labadan xeel-dheere u maareeyaan mid ka mid ah kulammada ugu waaweyn kubadda cagta Ingiriiska.























