Wiil uu dhalay bilyaneer u dhashay Hindiya ayaa soo bandhigay inuu ka caawin doono Colombia inay ka takhalusto dhibaato ay la tacaaleysay sannado badan, koox jeer ah oo uu lahaa ninkii caanka ku ahaa daroogada ee Pablo Escobar ayaa la garan la yahay sida la yeelo.
Escobar, oo ay boolisku toogteen sannadkii 1993, ayaa si sharci darro ah u soo dhoofiyay xayawaan qalaad, oo ay ku jiraan jeer isugu jirta lab iyo dheddig – oo loogu magac daray “Jeertii kookaynka”.
Tirada Jeerta ayaa badatay, inkasta oo Colombia isku dayday habab kala duwan oo lagu xakameynayo – oo ay ku jirto dhufaan ama in xinniinyaha laga saaro kuwa lab – laakiin waxba may tarin. Waxa haddna la go’aamiyey in la dilo ilaa 80 ka mid ah xayawaanka.
Anant Ambani – oo ah wiilka ninka ugu taajirsan Aasiya Mukesh Ambani – ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu qaabilo oo uu ku daryeelo beertiisa xayawaanka ee gaarka loo leeyahay ee ku taal Vantara ee gobolka Gujarat ee Hindiya. Colombia weli kamay hadlin dalabkaas.
Warqad uu u diray wasiirka deegaanka ee Colombia, madaxa beerta xayawaanka ee Ambani ayaa ku sheegay inay diyaar u yihiin inay xayawaanka Hindiya ku siiyaan “daryeel cimri dheer” .
Warqadda, oo lagu daabacay barta Instagram ee beerta xayawaanka, ayaa lagu yidhi “nuxurka soo i waa aaminsanaanta Vantara ee ah in nolol kasta ay muhiim tahay iyo inaan idinla wadaagno mas’uuliyada ah iyo in aan nolosha ku ilaalino meel kasta oo ay suurtagal tahay”.
Escobar wuxuu xayawaankan ku hayay beertiisa Hacienda Nápoles – oo ah dhul raaxo leh oo qiyaastii 250km (155 mayl) waqooyi-galbeed ka xiga caasimadda Bogotá.
Kadib geeridiisii, waxaa xayawaanka loo oggolaaday inay si xor ah u dhex mushaaxaan webiga ugu weyn Colombia ee Magdalena, waanay ku tarmeen.
Waa lagu guuldareystay inuu xakameeyo koritaankooda, ma jirin cid ugaadhsataa, sidaas oo kale xaallada gobolka Antioquia ee webigu ku yaal waxay ka heshay xaalado ku habboon in ay ku sii koraan.
Dadka deegaanka ku takhasusay ee Colombia ayaa sheegaya in tirada Jeertan oo la rumeysan in ay tahay tirada ugu badan marka la eego jeerta ka baxsan Afrika isla markaana ay xayawaanadii kale ka saareen deegaanka.
Bulshooyinka kalluumeysiga ee ku teedsan Webiga Magdalena ayaa waxaa weerara jeerta, iyada oo Jeerta waaweyn ee Labka ah miisaankoodu gaadhayo saddex tan.
Beerta xayawaanka ee Vantara waxay hoy u tahay 2,000 oo nooc, oo ay ku jiraan maroodi, shabeello iyo xayawaanno kale.
Waxay ku fidsan tahay in ka badan 3,500 oo acres, waxayna ku taal Jamnagar, oo aan ka fogayn warshadda saliidda ee Mukesh Ambani – oo ah tan ugu weyn adduunka.
Waxay ahayd mid ka mid ah goobaha lagu qabtay munaasabadaha quruxda badan ee Anant Ambani ee ka hor arooska kuwaas oo noqday kuwa ugu caansan adduunka sanadka 2024.
Beertan xayawaanka ee gaarka loo leeyahay ayaa dhaleeceyn kala kulantay dadka u dhaqdhaqaaqa duurjoogta iyo kuwa ilaaliya deegaanka sababo badan awgood oo ay ku jiraan cimilada kulul iyo qalalan ee gobolka oo aan ku habboonayn qaar ka mid ah xayawaanka.
Pablo Escobar wuxuu ahaa madaxa kooxda Medellín waxaana loogu yeeri jiray “boqorka kookeynta” kaasoo hanti lagu qiyaasay $30 bilyan (£25 bilyan) ku urursaday daroogo sharci darro ah oo loo soo geliyay Miami iyo koonfurta Maraykanka.




















