Dawlada Austria oo Dalkeeda ka Eriday Saddex Diblomaasi oo u Dhashay Dalka Ruushka

0
123

Austria ayaa eriday saddex diblomaasi oo Ruush ah, iyada oo lagu eedeeyey inay basaasayeen. Diblomaasiyiinta, oo hore uga baxay dalka, ayaa isticmaalay ” Anteenooyinka dhir loo eekaysiiyey” oo lagu rakibay saqafka sare ee dhismayaasha diblomaasiyadeed ee Ruushka si ay u ururiyaan macluumaadka, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Beate Meinl-Reisinger.

Warbixin ay soo saartay Hay’adda Warbaahinta Austria (ORF), oo ay xaqiijisay wasaaradda arrimaha dibadda, ayaa lagu sheegay in anteenooyinka ay saarnaayeen saqafka safaaradda Ruushka ee Vienna iyo xarun diblomaasiyadeed oo Ruush ah. Safaarada Ruushka ee Vienna ayaa diiday warka Austria waxaanay tidhi “Waxaan u aragnaa tallaabadan fal aan saaxiibtinimo lahayn oo ay qaadeen mas’uuliyiinta Austria, waana mid gebi ahaanba aan qiil lahayn, oo aan la aqbali karin,”.

“Shaki la’aan Moscow waxay si adag uga jawaabi doontaa falalkan aan si fiican looga fiirsan ee dhinaca Austria.” Sida laga soo xigtay ORF, anteenooyinka ayaa muddo dheer ahaa il muhiim u ah sirdoonka Ruushka oo uu ku dhex gelayey xogta ay soo diraan internetka dayax-gacmeedka ee ay soo diraan ururada, oo ay ku jiraan kuwa caalamiga ah. “Baadhista sirta ah waa arrin amni oo ka taagan Austria,” Meinl-Reisinger ayaa ku yidhi bayaan uu u diray BBC.

“Waxaan dawladdan ku soo kordhinay isbeddel dhab ah, waxaana qaadaynaa tallaabo go’aan qaadasho leh. Waxaan arrintan u caddeynay dhinaca Ruushka, gaar ahaan marka la eego anteenooyinka safaaradda Ruushka.”

Waxay intaas ku dartay in “aan la aqbali karin in xasaanadda diblomaasiyadeed loo isticmaalo fulinta basaasnimada.” Waa dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee taxane ah oo ku saabsan shaqsiyaad lagu eedeeyay inay u basaasayeen Ruushka iyaga oo adeegsanaya Austria iyo Jarmalka.