Mashruuca “Project Freedom” ee Trump iyo Marakiibta ku Xaniban Marinka Hormuz

0
170

Ka dib markii ay rabshado cusub ka dhaceen Khaliijka, isku daygii ” Mashruuca xorriyada” ee Maraykanku watay, madaxda maraakiibtu waxay aad uga walaacsan yihiin ka gudbidda marin biyoodka Hormuz. “Marinka badda ayaa weli ah mid aad khatar u ah, waxaana filayaa in maraakiibta badankood ay sii wadi doonaan inay ka fogaadaan ilaa labada dhinac ay la yimaadaan arrin lagu mari karo,” sidaa waxa yidhi Tim Huxley, Guddoomiyaha Maraakiibta Mandarin.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Isniintii bilaabay “Mashruuca Xorriyadda “ isaga oo sheegay in maraakiibta ganacsiga ee ku xaniban marin biyoodka, uu ugu deeqi doono awood Melateri si ay uga gudbaan Marinka si nabad gelyo ah, waxaa ka dhashay in Maraykanka iyo Iiraan ay is dhaafsaday rasaas. Tani waxay sii kordhisay rabshadaha tan iyo markii xabad joojinta lagu dhawaaqay afar toddobaad ka hor.

Ka dib markii lagu dhawaaqay ” Mashruuca Xorriyadda “, Iiraan waxay sheegtay in maraakiibta ganacsiga iyo Tankarada shidaalka ay tahay inay la shaqeeyaan ciidamadeeda qalabka sida ee Iraan, hadii ay soo galaan marin biyoodkana la weerari doono. Macluumaadka iska soo horjeeda ee labada dhinac ayaa ka dhigay kabtanada markabka kuwo aan hubin sida wax noqon doonaan.

“Mashruucani wuxuu sii dheeraynayaa hubanti la’aanta muddada dheer, waana werwer nooc kale ah oo soo food saaray” sidaa waxa yidhi Kabtan ArunKumar Rajendran oo ka tirsan Fleet Management Limited, kaas oo ka mid ah qiyaastii 20,000 oo badmaax oo sugaya inay maraan marin biyoodka. Waxa ku sugan marin biyoodka 2000 oo Markab.