Dalladda xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee Fifa ayaa sheegtay inay heshay “508 milyan” oo codsi tigidh ah halka ay jiraan 7 milyan oo tigidh oo keliya oo la heli karo. Haddaba maxaa keenay in wali tigidh badan la heli karo?
Waxaa jira 48 calan dalal ah oo sanadkan ka qayb galaya koobka adduunka ee FIFA World Cup 2026 oo bisha soo socota ka qabsoomaya dalalka Maraykanka, Mexico iyo Canada. Haddaba marka laga hadlayo iibka tigidhada ee FIFA, calanka ugu muuqda wuxuu noqday midabka casaanka ah.
FIFA ayaa Khamiistii ku dhawaaqday wareeg kale oo iibinta tigidhada ah, waana markii saddexaad ee tigidhada la sii daayo tan iyo 1-dii Abriil xilliga loo yaqaan “iibka daqiiqadaha ugu dambeeya.” Tigidhada waxaa lagu iibinayaa nidaamka “kii ugu horreeya ayaa hela” inta kaydku ka dhammaanayo. Kadib in ka badan saddex saacadood iyo badh oo saf lagu jiray bogga FIFA, waxaa cadaatay in tigidhadu wali aad u badan yihiin. Xitaa kulamada kooxaha ugu caansan uguna xooggan adduunka ayaa wali si fudud loo heli karaa.
“Maro kasta oo ciyaar ah waa la iibiyay,” ayuu yidhi madaxweynaha FIFA Gianni Infantino oo ka qeybgalay shir ganacsi bishii Feebarweri “Waxaan dib u haysanaa tigidhada qaar iib daqiiqadaha ugu dambeeya dabcan, balse kulan kasta waa sold out.” Ayuu sii sii raaciyey hadalkiisa.
Si kastaba, FIFA ayaa dib uga laabatay hadalkaas, iyadoo u sheegtay warbaahinta The Athletic in Infantino uu si khaldan u hadlay, isla markaana FIFA ay rajeynayso inay iibiso dhammaan tigidhada kulamada.
Iyadoo wax ka yar bil ay ka hadhsan tahay furitaanka kulamada ka dhici doona United States, Mexico iyo Canada, waxaa hadda soo baxaya su’aalo la xidhiidha in FIFA ay si xad dhaaf ah u buunbuunisay xiisaha tigidhada.
29-kii Abriil, dhammaan marka laga reebo toddobo ka mid ah 72-ka kulan ee heerka group-yada ayaa bogga tigidhada FIFA lagu qoray “helitaan xaddidan.” Sideed maalmood kadib, 57 kulan ayaa loo beddelay “helitaan caadi ah,” halka 15 kulan oo keliya ay ahaayeen “helitaan xaddidan.”
Ma rabtaa inaad daawato Lionel Messi iyo difaacayaasha koobka adduunka ee Argentina? Ku dhowaad qayb kasta oo ka mid ah garoonka Arrowhead Stadium waxaa wali laga heli karaa tigidhada kulanka furitaanka ee 16-ka Juun ay la ciyaarayaan Algeria, iyadoo qiimaha ugu hooseeya ee gelitaanka uu yahay $770.























