“Geedka Garan-waagga Oo laga Samaynayo Dhuxul Iyo Calafka Xoollaha”

0
85

Burco (Dawan): Isu-duwaha wasaaradda deegaanka iyo isbedelka Cimilada Somaliland ee gobolka Togdheer, Cabdilaahi Cali Diiriye, ayaa ka war bixiyay sida ka wasaarad deegaan ahaan ay uga hortagaan xaalufinta dhirta iyo dabargoynta geedaha, waxaanu intaa ku daray in ka gobol Togdheer ahaan ay mamnuuceen in dhirta dhuxul laga shido marka laga reebo geedka Garanwaaga ah oo wakhti xaadirkan ah geedka keliya ee dhuxul iyo xaabo ahaan ba laga ogol yahay gobolka Togdheer.

Waxaa kale oo uu isu-duwe Cabdilaahi sheegay in ay si adag uga hortagaan deegaamaynta sharci darrada ah ee dhul daaqsimeedka. Dhinaca kale waxaa uu walaac wayn ka muujiyay xaaladda barakacayaasha oo sii badanaya, taasoo uu sheegay in loo baahan yahay in siyaasad cad oo qaran in laga yeesho sidii dadka xoolo dhaqatada ah miyiga loogu xoolayn lahaa isla markaana looga hor tegi lahaa dadka kaamamka barakacayaasha ah loo samaynayo.

Isuduwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Togdheer, ayaa sidaas ku sheegay waraysi gaar ah oo uu xafiiskiisa ku siiyay wargeyska Dawan oo wariyeyaal ka tirsani hawl shaqo u joogaan Xarunta gobolka Togdheer ee Burco. Ugu horrayn isu-duwaha oo la ka jaabayay su’aal laga waydiiyay gobolka Togdheer iyo gumaadka dhirta sida ay uga hawl galaan, ayaa yidhi.”horta aafada shidista dhirtu mar ay aad u xooganayd ayaa jirtay laakiin gobolka Togdheer ahaan waxaan mamnuucnay in guud ahaan dhirta la shido la xaabaysto ama dhisme loo adeegsado waxaan samaynay afar meelood oo kala duwan oo gobolka ah oo. Dhuxusha laga soo saaro oo dhammaantood dhuxusha garanwaaga soo shida cid kasta oo geed kale lagu qabtona waan ku xidhnaa illaa maxkmad ayaanan arrinkaa gaadhsiinay.

Mida kale geedka garanwaaga afar qaab ayaan uga faa iidaynay oo kala ah dhuxusha, xaabada, in wax lagu dhiso iyo mid intaaba ka faa iido badan oo ah In dhaameelkiisa inta aanu shiidno oo ku darno caws iyo calafyada kale ee Xoolaha ayaan ka soo saarnay calaf xoolaad oo aad u nafaqo badan waxaana lagu farsameya seeraha, markaa gobolku wuxuu usoo jeestay in la dabar gooyp garanwaaga dhirta kalena la nabad geliyo.”

Isuduwaha oo wax laga waydiiyay saamaynta kaamamka barakacayaashu ku yeesheen dhul-daaqsimeedka, ayaa yidhi.”abaaruhu way dhici jireen dadkana xooluhu marka ay ka baxaan waa la xoolayn jiray oo noloshoodii ayay dib u bilaaban jireen laakiin imika Hay,ado wax siinaya ayaaba qayb ka ah baro kacanimada oo dadkii xooluhu ka baxau lama xoolaynayo meel inta la dejiyo ayay halkaa hay,ad iyo kaadh ku sugayaan waxaanay ahayn arri kaasi waa aafo qaran ee I qorshe cad laga yeesho oo hay,adda wax siinaysaa ay ku siiyo halkooda oo lagu xooleeyo oo noloshooda toosan loo daayo balse aan laga dhigin dad aan nolol na haysan xoolona aan haysan oo dhulka meel kasta la dejiyo waana dhaqan iyo dhaqaale guur umada kusoo kordhay waxaana loo baahan yahay in siyaasad qaran laga yeesho maalin kasta kaamamka dalka ku soo kordhaya iyo xoolo dhaqatada lasoo baro kicinayo.”

Isuduwe Cabdilaahi ayaa geesta kale ammaanay wada shaqaynta joogtada ah ee laamaha kala duwan ee gobolka oo Badhasaabka ugu horreeyo ciidamana booliska iyo madaxda dawladda hoose.

Ugu dambayn waxaa uu bulshada usoo jeediyay in ay deegaanka illaashadaan oo ku dedaalaan nadaafadiisa dhir beeristiisa, waxaanu intaa ku daray in wasaaraddu aanay meel kasta gaadhi karin oo joogin balse loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo daryeelka deegaanka iyo ka hortagga wax kasta oo waxyeelo muuqata iyo mid il ma aragtay ahba u gaysanaya deegaanka.