Barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona warbixin caafimaad oo uu qoray Kamaal Marjaan, taas oo uu ciwaan uga dhigey khatarta fadhiga badan ee caruurta iyo saameynta ciyaaraha elektarooniga ah.
Xarunta Wacyigelinta Caafimaadka ee Federaalka Jarmalka ayaa soo saartay digniin caafimaad oo culus, taas oo lagu muujiyey in carruurta wakhtiyada badan ku qaata fadhi iyo isticmaalka qalabka elektarooniga ahi ay la kulmaan dhibaatooyin caafimaad iyo kuwo maskaxeed oo isa soo taraya.
Digniintan ayaa si gaar ah uga hadashay saamaynta ay leedahay yaraanta dhaqdhaqaaqa jidheed ee carruurta, taas oo horseedi karta buurni, xanuunka macaanka iyo hoos u dhac dhinaca fahamka iyo koboca maskaxda ah.
Sanadihii u dambeeyey waxaa si weyn u kordhay isticmaalka ciyaaraha casriga ah ee lagu ciyaaro taleefannada gacanta, kombiyuutarada, muraayadaha fiidyowga iyo qalabka kale ee teknoolajiyadda.
Carruur badan ayaa saacado badan ku qaata fadhi joogto ah, iyaga oo ku mashquulsan ciyaarahan, taas oo sababtay in dhaq-dhaqaaqoodii jidheed si weyn u yaraado.
Khubarada caafimaadku waxay tilmaameen in fadhiga badan uu dhaawac ku keeno caafimaadka guud ee carruurta, isla markaana uu yareeyo awoodda maskaxeed, firfircoonida iyo isdhexgalka bulshada.
Waxaa sidoo kale la sheegay in carruurta waqtiga badan ku bixiya ciyaaraha elektarooniga ahi ay la kulmaan daal maskaxeed, hurdo yari iyo hoos u dhac waxbarasho.
Xarunta caafimaadka ee Jarmalku waxay waalidiinta ugu baaqday in ay si dhow ula socdaan wakhtiyada ay carruurtu ku qaataan ciyaaraha elektarooniga ah.
Waxa lagu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xaddido saacadaha ilmaha loo oggolaanayo taleefanka, kombiyuutarka ama qalabka ciyaaraha.
Dhinaca kale, waalidiinta waxaa lagu dhiirrigeliyey in carruurta lagu barbaariyo nolol firfircoon oo ay qayb ka yihiin ciyaaraha bannaanka, socodka iyo hawlaha jidhka dhaqaajiya si loo ilaaliyo caafimaadkooda jireed iyo maskaxeed.
Digniintu waxay sheegtay in ilmuhu maalin kasta u baahan yahay ugu yaraan hal saac iyo badh oo uu sameeyo dhaqdhaqaaq jidheed ama ciyaaro caafimaadkiisa kor u qaadaya.
Jimicsiyada lagu taliyey waxaa ka mid ah.
Xadhig ka boodka
Baaskiil wadista
Dabbaasha
Orodka
Kubadaha kala duwan iyo ciyaaraha kooxaha
Khubarada ayaa sheegay in ciyaarahan aanay carruurta siin oo keliya caafimaad jidheed, balse ay sidoo kale kobciyaan xirfadaha bulshada, kalsoonida nafta, dulqaadka iyo wada shaqaynta.
Saamaynta Bulshada iyo Mustaqbalka Carruurta
Dhakhaatiirtu waxay ka digayaan in haddii aan si degdeg ah wax looga qaban isticmaalka xad-dhaafka ah ee qalabka elektarooniga ah, ay sii kordhi karaan cudurrada carruurta ku dhaca xilliyada hore ee nolosha.
Waxa kale oo ay tilmaameen in carruurta dhaqdhaqaaqa yari ku dhacaa ay mustaqbalka la kulmi karaan dhibaatooyin caafimaad iyo kuwo maskaxeed oo waqti dheer saameeya.
Gunaanad
Digniinta kasoo baxday xarunta caafimaadka ee Federaalka Jarmalku waxay iftiimisay halista weyn ee fadhiga badan iyo ku tiirsanaanta ciyaaraha elektarooniga ahi ku leeyihiin caafimaadka carruurta.
Waalidiinta, macallimiinta iyo bulshada inteeda kale ayaa looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan sidii carruurta loogu abuuri lahaa nolol caafimaad leh oo isku dheelitiran, si jiilka soo korayaa u helo caafimaad jireed, maskaxeed iyo bulsho oo wanaagsan.
W/Q: Kamaal Marjaan























