Wareegto Taageeraysa Danyarta: Qiimaha Iibka Biyaha Kaalmaha Hargeysa oo Hoos loo Dhigay

0
102

 

Hargeysa (Wargeyska) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa shalay soo saaray wareegto rasmi ah oo lagu dhimayo qiimaha biyaha lagu iibiyo kaalmaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, si loo fududeeyo helitaanka biyo nadiif ah oo ay awoodi karaan qoysaska danyarta ah. Wareegtada Madaxweynaha ayaa lagu saleeyey Qodobka 90aad ee Dastuurka, iyadoo si gaar ah loo tixgeliyey muhiimadda ay biyuhu u leeyihiin daboolidda baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada, iyo duruufaha nololeed ee xilligan ka jira magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu tixgeliyey waajibaadka dowladda ee ku aaddan daryeelka bulshada iyo fududeynta adeegyada aasaasiga ah ee muwaadiniinta, taas oo saldhig u ah go’aankan cusub. Sida ku xusan wareegtada, laga bilaabo 1-da July 2026, qiimaha biyaha ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa ay kaga iibiso kaalmaha, halkii mitir kuyuub, waxaa laga dhigay 8,500 Shilin, halka uu hore ka ahaa 13,500 Shilin. Madaxweynaha ayaa faray Wakaaladda Biyaha Hargeysa in ay si degdeg ah u dhaqangeliso go’aankan, si bulshada loogu fududeeyo helitaanka adeeg biyo jaban oo la awoodi karo.

Go’aankan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa lagu tilmaamay tallaabo muujinaysa sida xukuumadda Somaliland ee Wadajir iyo waxqabad ay uga go’an tahay wax ka qabashada baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada, gaar ahaan adeegyada biyaha oo si toos ah u taabanaya nolosha muwaadiniinta Somaliland. Sidoo kalena ah adeeg nololeed oo lama huraan ah oo saamayn toos ah ku leh caafimaadka, nadaafadda iyo guud ahaan nolosha bulshada.

Gebogebadii, wareegtadan Madaxweyne waxay xambaarsan tahay fariin cad oo muujinaysa in dowladdu ay mudnaan siinayso baahiyaha shacabka, isla markaana ay diyaar u tahay in ay qaaddo tallaabooyin lagu fududeynayo nolosha muwaadiniinta iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah. Sidoo kale, qiimo-dhimistan ayaa la filayaa in ay yareyso culayska dhaqaale ee qoysaska, isla markaana kor u qaaddo helitaanka biyo nadiif ah.