Guddoomiyaha WADDANI oo Ka Hadlay Doorka Dhalinyaradda iyo Mustaqbalka Siyaasada

0
91

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka qayb galay barnaamij muhiim ah oo diiradda lagu saarayay doorka dhalinyarada iyo siyaasadda, kaas oo ay soo agaasintay madasha Raad Research & Development. Barnaamijkan ayaa ujeeddadiisu ahayd in lagu falanqeeyo xaaladda siyaasadeed ee dalka, fursadaha dhalinyarada, iyo jihada mustaqbalka siyaasadda Somaliland.

Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa madasha ka jeediyey hadal dheer oo uu kaga hadlay aragtida xisbiga WADDANI ee ku aaddan horumarinta dalka, isaga oo si gaar ah u faahfaahiyey himilada iyo qorshayaasha xisbiga ee la xidhiidha ka qaybgalka dhalinyarada, kobcinta dhaqaalaha, iyo xoojinta nidaamka dimuqraadiyadda. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in dhalinyaradu ay yihiin tiirka ugu muhiimsan ee horumarka dalka, isla markaaana ay tahay in la siiyo fursado dhab ah oo ay ku muujiyaan kartidooda.

Intii uu barnaamijku socday, Guddoomiyuhu waxa uu si qoto dheer uga jawaabay su’aalo ay dhalinyaradii ka qaybgalaysay madashu ka weydiiyeen xaaladda siyaasadeed ee dalka, waxqabadka xukuumadda “Wadajir iyo Waxqabad” ee Somaliland, iyo sidoo kale waayo-aragnimadiisa siyaasadeed ee soo jireenka ah. Waxa uu xusay in siyaasadda saxda ahi ay ku dhisan tahay wada-tashi, hufnaan iyo adeeg bulsho oo la taaban karo.

Sidoo kale, Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa si gaar ah ugu dheeraaday muhiimadda ay leedahay in dhalinyaradu ay ka shaqeeyaan waxbarashada, hal-abuurka iyo horumarinta dhaqaalaha, isaga oo ku dhiirrigeliyey in aysan ku ekaan kaliya daawasho siyaasadeed balse ay si firfircoon uga qayb qaataan go’aan qaadashada dalka.