Harry Kane Waa Laf-dhabarta Rejada England ee Koobka Adduunka 2026” Neville

0
84

Halyeeygii hore ee Manchester United iyo falanqeeyaha caanka ah, Gary Neville, ayaa ku dooday in guusha iyo mustaqbalka xulka England ee Tartanka Koobka Adduunka 2026 ay si buuxda ugu xidhnaan doonto qaab-ciyaareedka kabtankooda Harry Kane. Neville wuxuu aaminsan yahay in dhismaha kooxda ee uu keenay tababaraha cusub Thomas Tuchel uu yahay mid si gaar ah loogu dhex qorsheeyay adeegsiga awoodda weeraryahanka Bayern Munich

Neville ayaa muujiyay ammaan aad u sarreysa isagoo sheegay in Kane uu yahay ciyaaryahanka kaliya ee hadda ku jira safka England ee si dhab ah loogu tilmaami karo heerka caalami ee dhabta ah (genuine world-class player) iyadoo aan wax shaki ahi ku jirin. Sida laga soo xigtay Wargeyska Ciyaaraha, Kane wuxoo xilli-ciyaareedkan Bayern Munich u dhaliyay 61 gool 51 kulan oo uu saftay, taas oo ka dhigtay mid u sharraxan abaalmarinta Ballon d’Or.

Tababare Thomas Tuchel ayaa qaatay go’aamo adag oo dhaliyay hadal-hayn badan ka hor intaanu soo saarin liiska 26-ka ciyaartoy ee Koobka Adduunka. Wuxuu ka tagay xiddigo magac weyn leh oo hal abuur leh sida Phil Foden iyo Cole Palmer. Beddelkeeda, Tuchel wuxuu soo xushay garab-ciyaareed dheereeya sida Anthony Gordon, Marcus Rashford, iyo Morgan Rogers.

Neville wuxuu ku sifeeyay kabtanka England mid adag sida dhagaxa (solid as a rock). “Isaga ayaa ah xiddiga ugu weyn. Marka laga hadlayo ciyaartoyda tayada leh ee England, waxaan haysanaa hal ciyaaryahan oo keliya oo oo heer caalami ah, waana Harry Kane.

Ma jiro cadaadis jebin kara Kane. Waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu xirfadda badan kubadda cagta. Waana hoggaamiyaha xulka.”  ayuu yidhi Neville.