World Power Explained: “Aqoonsiga Caalamiga ah ee Somaliland iyo Guulaha Mustaqbalka Dhaw”

0
105

“Dunidu Way Garawsatay: Xasillooniduna Waa Aasaaska Guusha Somaliland”

 “Somaliland Waxay Wajahaysaa Fursado Cusub: Aqoonsi Horumar Dhaqaale iyo Maalgashi”

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan) Warbaahinta caalamiga ah ee World Power Explained ayaa Jamhuuriyadda Somaliland ku tilmaantay tusaale muuqda oo ka tarjumaya sida dawladnimada casriga ah ee Somaliland uga dhex ifayso Afrika. Warbixintu waxay soo bandhigtay guulaha iyo horumarka laga gaadhay dhinacyada nabadgelyada, dimuqraadiyadda, iyo dhismaha hay’adaha dawliga ah. Sidoo kale waxaa lagu xustay in dunidu ay maanta garawsatay in xasilloonidu tahay aasaaska dhabta ah ee qarannimada.

Warbixintan caalamiga ah oo Wargeyska DAWAN ka soo xigtay World Power Explained ayaa lagu faahfaahiyey taariikhda siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo sababaha salka u ah halganka ay muddada dheer ugu jirtay xaqiijinta qaranimadeedda. Waxa kale oo lagu tilmaamay in joogtaynta doorashooyinka Somaliland oo ah kuwo daah-furan oo si xor ah loogu tartamo, xoojinta nidaamka dimuqraadiyadeed, iyo horumarinta adeegyada bulshada ay Somaliland ka dhigeen astaan lagu daydo guud ahaan qaaradda Afrika.

Warbixintu waxay sheegtay in Somaliland aanay ahayn gobol doonaya gooni-isu-taag cusub, balse ay tahay dal dib ula soo noqday madax-bannaanidiisii uu ku waayay midowgii fashilmay ee ay la gashay Soomaaliya sannadkii 1960-kii. Isla markaana Somaliland ay ahayd qaran madax-bannaan oo caalamku aqoonsan yahay ka hor intii aanay si ikhtiyaari ah ula midoobin Soomaaliya.

Waxa kale oo ay warbixintu tilmaantay in dhacdadii sannadkii 1991-kii aanay ahayn gooni-isu-taag cusub, balse ay ahayd kala-baxii midowgii fashilmay iyo dib ula soo noqoshadii madax-bannaanidii hore. Waxaana lagu yidhi: “Sannadkii 1991-kii waxa dhacay kala-bixii midowgaas, ee may ahayn gooni-isu-taag cusub. Diiwaanka Somaliland waxa uu xambaarsan yahay taariikh ku dhisan nabad, dimuqraadiyad iyo doorashooyin xor ah oo tusaale u ah gobolka.”

Sidoo kale waxay iftiimisay in Jamhuuriyadda Somaliland ay muddo ka badan 30 sanno ay ahayd dawlad madax-banaan oo si dhab ah u maamusha arrimaheeda gudaha, isla markaana leh hay’ado dawli ah, calan, lacag, baasaboor iyo nidaam doorasho oo ay shacabka ku doortaan hoggaankooda. Warbixintu waxa kale oo ay ku tilmaantay Somaliland dawlad jirta oo ka shaqaynaysa nabad, xasillooni iyo dimuqraadiyad wax ku ool ah.

Gabagabadii, warbixintu waxay tilmaantay in Jamhuuriyadda Somaliland ay wajahdo marxalad cusub mustaqbalka dhaw, taas oo xambaarsan fursado la xidhiidha aqoonsi buuxa, horumarka dhaqaale iyo maalgashi caalami ah. Waxa ay si gaar ah u xustay suurtagalnimada in dalalka gobolka, gaar ahaan Ethiopia, ay qaadaan tallaabooyin cusub oo ku saabsan xidhiidhka iyo aqoonsiga Somaliland, iyada oo arrintaasi qayb ka noqon karto isbeddellada siyaasadeed ee Geeska Afrika.