“Safarka Madaxweynaha JSL Waa Taariikh Cusub oo Muujinaysa Horumarka Somaliland !!!”

0
109

Tel Aviv (Dawan) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa sheegay in booqashada rasmiga ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisa ay ku tageen dalka Israa’iil ay tahay dhacdo taariikhi ah oo bog cusub u furaysa diblumaasiyadda iyo xidhiidhada caalamiga ah ee Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan waxa uu tilmaamay in maalintani ay tahay maalin weyn oo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland muddo dheer sugayeen, isla markaana booqashadani ay ka dhigan tahay tallaabo muhiim ah oo muujinaysa koboca iyo horumarka ay Somaliland ka samaysay dhinaca xidhiidhada dibadda.

“Maanta waa maalin taariikhi ah, waana maalin ay umadda Somaliland wada sugaysay. Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisu ku yimaadeen Israa’iil waa mid taariikh cusub u dhigaya Somaliland,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Aadan ayaa hadalkan ka sheegay waraysi uu siiyey Telefishanka Qaranka Somaliland, isaga oo xusay in booqashadani ay ka tarjumayso dedaallada ay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ugu jirto xoojinta xidhiidhada caalamiga ah iyo kor u qaadista doorka Somaliland ee masraxa diblumaasiyadda dunida.

Waxa uu intaas ku daray in soo dhaweynta heerka sare ah ee Madaxweynaha Somaliland loogu sameeyey Israa’iil ay muujinayso qaddarinta iyo ixtiraamka ay Somaliland ka kasbanayso beesha caalamka, isla markaana ay booqashadani ay tallahay horumar dublumaasiyadeed iyo tallaamo miisaan leh oo horseedaysa fursado cusub oo dhinacyada iskaashiga, maalgashiga iyo horumarka ah.